WAJAALE NEWS

Nin 32-jir Ah oo Dhintay Kadib Markuu Game Ciyaarayay 3 maalmood Isaga oon u Nasan

taiwan-man-dead-internet.si
Tiawan(Wajaale.News):Nin ayaa ku dhintay meel Internet Cafe ah ee dalka Taiwan kadib markuu ciyaarayay game asagoon wax nasasho ah ka qaadan mudo sadax maalmood ah.

Arintan ayaa ka dhacaday magalada Kaohsiung ee Taiwan kadib markii la arkay Hsieh oo kursigisa ku fadhiya asagoon dhaqaaqeyn. Dadki meeshas ayana game ku ciyaarayay ayaa u maleeyay inuu hurdaayo waxas markas mulkilihi meesha uu arkay inuusan neefsaneyn waxana loola cararay isbitaalka halkasoo uu la sheegay inuu dhintay.

Dhakhaatirta ayaa had iyo goor ku waanisa dadka computerka isticmaala iney ka nastan laba sacaad oo walba.

Sheekadan ayaa aheyn mid ku cusub safxadaha wararka caalamka oo sanadkan bilowgisi ayaa nin 38 jir ah uu asna ku dhintay Taipei kadib markuu ciyaaray game 5 maalmood uusan wax nasasho ah kaqaadan.

Exit mobile version