WAJAALE NEWS

Magacyada iyo Xilalka ay Hayeen Saraakiil Soomaaliya ka tirsanaa oo Al-Shabaab ku dishay Muqdisho

Muqdish (Wajaalenews)- Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Soomaaliya, isla markaana ka hawlgalayey Garoonnka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa Isniintii shalay lagu dilay isla Muqdisho, ka dib markii Weerar lagu qaaday Gaadhi ay wateen, waxaana Masuuliyadda dilkaas sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Tirada dadka weerarkaas ay Al-Shabaab sheegatay lagu dilay, ayaa ah Afar qof oo uu ku jiro Darawalkii Gaadhiga la weeraray waday iyo Saddex Sarkaal oo saarnaa. Saddexda Sarkaal ee Gaadhigaas la Bartilmaameed-saday lagu khaarajiyey, ayaa ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay Jidka Isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyadoo masuuliyadda dilka xubnahan ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiishan iyo Darawalkooda lagu dilay toogashada, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xilliga la dilay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay Gaadhi kuwa Raaxada ah. Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii dilku dhacay ka dib gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, halkaas oo ahayd Kidinka hore ee Huteelka Naasa-Hablood ee Muqdisho una dhaw Isgoyska KM 4.

Saraakiishan Al-Shabaab dishay ee ka tirsanaa Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Soomaaliya Magacyadooda iyo Jagooyinka ay kala hayeen, waxay ahaayeen sidan:-

  1. Agaasimihii Gaadiidka Hawada Soomaaliya Abuukar Caddaani
  2. Maareeyaha Hagidda Hawada Maxamed Axmed Haaruun
  3. Maareeye Ku-xigeenka Duulista Hawada Maxamed Kadiye Jimcaale
  4. Darawalkii Gaadhiga la weeraray Xuseen Hilowle Caddaan. Sidaas ayay kala ahaayeen Xubnaha lagu dilay weerarkaas Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyee.

Meydadka afartan Ruux, waxaa goobta ka qaaday Ciidammo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda dawladda Federaalka Soomaaliya, hase-yeeshee, Kooxdii dilka Saraakiishan iyo darawalkooda fulisay ee Al-Shabaab ka tirsan, ayaan gacanta lagu dhigin, ka dib markii ay ku baxsadeen Gaadhi ay wateen oo ay toogashada ka dhex-fuliyeen.

Kooxda AL-Shabaab ee dagaalka hubaysan kula jirta Shacabka iyo dawladda Soomaaliya, ayaa sheegatay Masuuliyadda dilkaas Saddexda Sarkaal iyo Darawalkoodiiba lagu khaarajiyey. “Ciidammadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda Sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaadhsiga aan ku hayno xubnaha dawladda.” Sidaa ayaa lagu yidhi War Qoraal ah oo ay soo saareen Xubnaha Hawl-gallada Malleeshiyada Al-Shabaab u qaabbilsan shalay markii uu dilkaasi dhacay ka dib.

Dilkan Saddexda Sarkaal ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Soomaaliya ka tirsan iyo Darawalkooda, ayaa yimi xilli Axaddii toddobaadkan ay Koxoda Al-Shabaab Degmada Dharkaynley ee magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.

Waxay Kooxda Al-Shabaab oo toddobaadkii hore Xildhibaankii lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ku dishay Muqdisho ku hanjabtay inay sii wadayso dilalka ay ku bartilmaameedsanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka, Masuuliyiinta Laamaha dawladda iyo weliba Shaqaalaha Hay’adaha dawladda Soomaaliya ka hawl-gala.

Exit mobile version