Berbera(Wajaalenews) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo Saaka diyaarad khaas ah ka raacay Madaarka Hargeysa ayaa soo gaadhay Magaalo xeebeedda Berbera ee Xarunta Saaxil. Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda heer gobol ee Saaxil, Qaybaha Bulshada iyo Cutubyo Ciidanka ka tirsan.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xidhiidha xadhig ka jarista Mashaariic uu ugu muhiimsan yahay Terminalka Madaarka Berbera oo la dhamaystiray kadib dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyay. Waxaa maalgaliyay Madaarka dawladda Kuwait oo lacag badan ku bixisay.
Madaxweynaha ayaa Indho Indhayn uu ku sameeyay Qaybaha Madaarka kadib waxa uu ka qayb galay Munaasibad loo qabtay Xadhig ka jarista Madaarka Berbera oo si rasmi ah u shaqayn doona wixii hadda ka dambeeya.
Madaxweynaha ayaa Dawladda Kuwait uga mahadceliyay maalgalinta dib u dhiska lagu sameeyay Madaarka Berbera. waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay dib u dhista iyo casriyaynta Madaarka Berbera.