WAJAALE NEWS

Ururka Suxufiyiinta Soomaliland Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Xayiraada Maxkamada Racfaanku Mar Kale Saartay Wargeyska HUBAAL

War-saxaafadeed uu soo saaray ururka SOLJA oo uu kaga soo horjeedo xayiraada sharci darrada ah ee aan geedna loogu soo gaban ee maxakamada racfaanku mar kale kula dul dhacday wargeyska HUBAAL ayaa u qornaa sidan:

Uruka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo ah urur u taagan difaaca Saxaafadda iyo Xoriyatal Qawlka, waxa uu Cambaaraynayaa Xayiraada Cusub ee la saaray Wargeyska HUBAAL, iyada oo Maxkamadda Gobolka Hargeysi muddo laba jeer ah ka soo saartay amarro xayiraad ka qaadis ah, balse iyadoo aan loo cuskan wax asbaab ah ay Maxkamadda Racfaanku dib u saartay Xayiraad Cusub.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 13/12/2014 xayiraad saartay wargeyska HUBAAL, sagaal bilood kadib markii xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysi ay hor keeni waayeen wax eedo ah ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi uu soo saartay Taariikhdu markay ahayd 25/8/2014, Amar Xayiraad ka qaadi ah, oo lagu fasaxayo Wargeyska Hubaal, hase yeeshee, maalin ka dib oo taariikhdu ahayd 26/8/2014, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Hargeysi uu mar kale saaray wargeyska Hubaal, Xayiraad uu ku tilmaamay ku meel gaadh.

11/1/2015 ayay mar kale Maxkamada Gobolka Hargeysi Kiiska Hubaal kasoo saartay Qaraaro iskugu jira Oodis Kiis iyo Xayiraad ka qaadis, maalin ka dib 12/01/2015-ka, ayaa maxkamadda Racfaanku ku celisay Xayiraad Bilaa asabaab ah.

Guntii iyo gunaanadkii waxaanu usoo jeedinaynaa Nidaamka Garsoorka ee Somaliland inay ku dhaqmaan Xeerka saxaafadda27/2004 iskuna ixtiraamaan qaraarada sida sharciga ah uga soo baxa waaxyaheeda, markasna ay maskaxda ku hayaan inay cadaadad u falaan bulshada.

 

Xukuumadda Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xoriyadiisii usoo celiso Wargeyska Hubaal iyo wargeyska kale ee Haatuf si aynaan ugu sifoobin Qaran ku tuntay xoriyadii hadalka oo ah mid asaasi ah, Dastuurka Somaliland-na u damaanad qaaday muwaadiniintiisa.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

GUDOOMIYAHA URURKA SOLJA

 

MAXAMUD CABDI JAMAC (XUUTO)

Exit mobile version