Fiiro-gaar ah:
Maqaalkani waxaan qorey ku sinaan lix sanno ka hor mar xafiiskeyga shaqo ahaa Magaalada Burco xilligaasi oo aan aad iskugu mashquulin jirey xaaladeena aniga oo malaheyga kooban aad ugu dheganaa in aan arrimaha si dhex ah, daacadnimo huwan, isla markaana wadaniyadi ku dheehan tahey aan loo waajihin loogana doodin balse lagu saleeyo ku MURAADSI KOOXEYSAN, DANEYSI SHAKHSI AH IWM. Kuma sameynin wax baahin ah xilligaasi balse habeen dhoweyd ayaan si kedis ah u arkey una akhriyey waanan jecleystey una doorbidey in aan idinla wadaago saaxiibayaal iyada oo aan inta muddada ah ee ka soo wareegtey aan dib idiinla wadaagi doono si aynu u illaalino ujeedada rasmiga ee ah oo ah in aynu dhugano raad-reebka taariikhdeena xilli illaa xilli si aynu uga faa’iideysano qiimaheeda.
Somaliland: Qaylo-dhaan Wadan (Kacaa-kufka Siyaasada Somaliland)!!!!
Soo-saare Maqaalka: Mustafe Suleymaan Cilmi, Burco, Somaliland.
Taariikh: Sunday, 05 April 2009
Afeef:
Nuxurka qoraalkani waa mid ka reeban damac siyaasadeed kooxeysan, daneysi gaar ah sifo kasta oo ay leedahey, xiisad abuur hor leh iyada oo in inagu filani ay deris inala tahey maanta, waana mida sababtey curinta maqaalakani KA DIB dareen maaxdey oo shakhsi ah oo ku wajahan saaxada siyaasada dalkeena ee cakiran mar kasta!!!!!!!!
Arraar:
Maqaalkan waxaa lagu soo urririyey si kooban; guulaha aynu gaadhney dal ahaan, mushkilladaha deriska la ah saaxada siyaasada Somaliland, tilmaan iyo talo-bixin si aynu uga gudubno caqabadaha ina horyaala IWM. Diyaarinta maqaalkani waa mid si kooban loo agaasimey, si nuxurka loo koobo qoraalka xadigiisa!!!!!!!!!!
“Saddex eray halkii dooni, soddon yaaney kaa qaadan”
Tix ka mid maansadii sirta nolosha,
Abwaan M.I. Warsame(Hadraawi)!!!!!!!!
Guulaha Siyaasiga ah/diblamaasiga ah ee Somaliland (1991-2009):
- Hanashadii dalka ka dib halgankii qadhaadhaa ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM February 1991!!!!!!!
- Heshiiskii nabada ee beelaha Somaliland iyo isa-saamaxii bishii February 27keedii Berbera 1991(ee ay SNM hormoodka ka aheyd)!!!!!
- Dib-u-la soo noqoshadii xorriyaddii luntey 1960kii ee Burco (Shirweynihii aayo-ka-talinta ee beelaha Somaliland 1991)!!!!!!!
- Ku dhawaaqidii dowladii ugu horeysey ee Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali (AHUN).
- Currashadii saxaafad madax-banaan oo si madax-banaan u adeegta balse weli curdin ah (Wargeysyo, Telefishano, iyo xorriyatul qowlka oo debecsan illaa xad)!!!!!!!!!!!
- Soo afjaradii qalalaasihii Berbera 1991-1992 ee magaalada Sheekh!!!!!!
- Shirweynihii Boorama iyo unkudii dowlad ku meel gaadh ah ee Somaliland 1993 mar labaad (SNM oo xukunkii dadka ku soo celisey sidii dastuurkeedu dhigaayey laba sanno ka dib)!!!!!!!!
- Soo daabicidii lacagta iyo Baasaaboorka Somaliland markii ugu horeysey intii gobanimada dib-loola-soo noqdey.
- Hub-ka-dhigistii halgamayaashii SNM/maleeshiyo-beeleedyada ee sida weyn u hirgashey sannadihii 1994-1996 (Inta badan gobollada dalka ka qabsoontey)!!!!!!
- Soo afjaradii dagaaladii sokeeye sannadihii 1994-1995 iyo shirweynihii beelaha Somaliland Hargeysa (1996-997)!!!!!!!!!
- Diyaarintii dastuurka markii koowaad intii Somaliland dib-u-dhalatey!!!!!!!
- Hirgelintii heykal dowladnimo oo dhameystiran ee hogaamiye Cigaal (AHN)!!!!
- Hirgelintii qiimaha laheyd ee aftidii dastuurka Somaliland bishii May 2001dii!!!!!
- Hirgelintii nidaamka axsaabta badan ka dib aftidii dastuurka!!!!!!!!!
- Hirgelintii nidaamka doorashooyinkii ugu horeeyey oo horsed u noqdey kala guur rasmi ah oo saaxada siyaasada Somaliland hirgashey!!!!!!
- Mariti-gelinta shacab-weynaha geeska afrika si weyna loogu badhaadhey gaar ahaan soomaalida oo aan marnaba loo kala soocin ku noolaanshaha dalka Somaliland si ay u siman yihiin!!!!!!!
- Hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dalka dhan ka qabsoontey sannadii 2008da!!!!!!!
- Taabo-gelinta deganaansho buuxda oo gobol-qaaradeedka Geeska Afrika si weyn loo mahadiyey oo Somaliland hirgelisey!!!!
Caqabadaha Taagan (Challenges that we should face):
- Nugeyl miisaan leh oo saaxada siyaasada Somaliland la deris ah maanta!!!!!!
Dhaqaale xumo dadka ku rafatey nolosha shacabkana cidhiidhi ku heysa(heerka fakhriga oo halkii ugu sareysey maraya inta aynu xasuusano)!!!!!!!!
- Hab-nololeedka dalka oo aynaan weli si cilmiyeysan u hirgelin iyada oo qaar muhiim ah nolosha dadkana si weyn u gargaari lahaa ay weli qabyo yihiin haddiiba aynaan odhan uma aynaan dhaqaaqin abuuristooda(hab-nololeedka xoolo-dhaqatada, midka reer magaalanimada, midka beeraley/xoolo-dhaqatada iyo midka bulshooyin kalluumeysato oo aynaan weligeen si rasmi ah u abuurin wadan ahaan)!!!!!!!!!!!!
- Diblamaasiyadeena oo aynaan ka faa’iideysan inta badana aynu si joogto ah u dayacno ka faa’iideysigeeda, agaasimkeeda oo liita dartiis si ay midho-dhal rasmi ah inoogu keento ummad ahaan!!!!!!!!
- Taranta korodhey muddo luntey kaca-kuf dub-u-kabasho balse laga soo doogay; da’yarta wax baratey balse shaqo la’, inta ku gudajirta waxbarashada una baahan qorsheyn ku talo-gal, inta aan fursad u helin balse u baahan abaabul ka saar, iyo jiheyn la’aan guud oo aan si cilmiyeysan loogu dhaqaaqin diyaarintiisa!!!!!!!!!!!!!!!!
- Qabyaaladii oo qaranimada aynu ku milney si badheedh/ si u kas, iyada oo dano gaar ah looga faa’iideysanaayo halis weyna ku heysa habkeena dowladnimo si sahlana masiibo iskugu rogi karta amin kasta oo xilli nololeedkeena cahdigan aynu joogno ka mid ah!!!!!!!!!!!!
- Dowladaha hoose oo weli ah lafdhabar kala dhantaalan, saameyn weyna ku leh baylahda waxqabasho la’aanta shacabku tirsanaayo!!!!!!!!!!!
- Baaxaa-dega saxaafadeena curdinka ah wallow aqoon badan oo mihnadan ku taxaluqda la kasbadey (xirfadlayaal badan oo kacay balse u baahan saaxad-saxaafadeed miisaan iyo biseyl weyn leh oo hagta)!!!!!!!!!
- Bulshada caalamka oo cuno-qabateyn aan gar aheyn si qaawan inoogu heysa intii Somaliland dib-u-dhiskeeda aynu ku howlaneyn 18 sanno muddo ah, sababo dan diblamaasiyadeed aynaan u hogaansamin darted balse aynaan si agaasiman marnaba uga garnaqsan!!!!!!
Sababaha dhibaatada siyaasiga ah:
Hal-qabsi!!!!!
“Dadka aan la hadlayaan laheyn dux iyo Iimaane,
Anuunbaa damqanayee dheguhu uma daloolaane,
Bal in ay dabuub tahey caqliga dooni laga saarey,
Wixii hore u soo daashadey ayey dagashaneysaaye,
Dugsi mal leh qabyaaldi waxay dumiso mooyaane”
Ma hadhooyinkii Abwaan C/llaahi Suldaan -Tima-cade-(AHN).
Dayaca wakhtiga ee aynu caadeysaney(Alif kaa qaloocdaa
Al-baqruu ku dhibaa)!!!!!!:
- Waxaynu Caadeysaney Dayaca Wakhtiga iyada oo aan laga faa’iideysan isu diyaarinta xilliga ku haboon ee hawl-qabad kasta loo sargooyo!!!!
- Tixgelin la’aan suurtogalka xilliyeysan ee howl-qabad kasta ka hor inta aan la go’aamin si miisaan iyo mug leh!!!!!!!!!!!!
- Ka gaabin la kulanka ku talo-galka wakhtiga ee howl-qabad kasta loo agaasimo!!!!!!!!!
- Garowshiiyo la’aan dhayalsiga wakhtiga marka fashilku yimaado!!!!!!!!!!!!
- Xeer-jabin aynaan u hogaansamin xeerka marka lagu fashilmo la kulanka howl-qabadka wakhtiyeysan!!!!!!!!!
Guraca Dabciga Siyaasiyiinta (Talyaani ciidan xumuu u jabey)!!!!!!!:
Darjiidh ay siyaasiyiintu caadeysteen mar walba oo ay gorgotamayaan iyaga oo aan wax tixgelin ah siinin qawaaniinta dowliga ah iyo danaha guud ee dalka (luuqada nuruxkeeda oo khaldan, asluubta oo daciifta, IWM)!!!!!!!
- Ka gaabinta hirgelinta xisbiyada siyaasada dhismahooda marka laga reebo xafiisyo kooban oo dood joogto ah ku jira siyaasiyan(inta badan cartan ayey ku lumiyaan xisbiyadu doodaha u dhexeeya)!!!!
- Hagradshada diyaarinta/hirgelinta qawaaniinta dalku ku dhaqmi lahaa iyada oo inta yar ee jirta laga dul-talaabsado hamuunta damac siyaasi ah ee ay siyaasiyiintu qabaan dartiis!!!!!!!
- Dabakhaada qabyaalada ee siyaasiyiintu sameeyaan iyaga oo aan tixgalin raadka halista badan huwan ee ay mustaqbalka reebeyso bulsho ahaan dhexdeena!!!!!!!!!!!
- Garowshiiyo la’aan ay siyaasiyiintu dhexdooda caadeysteen mar walba oo ay dood fakir ah ku kala qeybsan yihiin!!!!!!!!!!!!
- Is-qadarin la’aan siyaasiyiintu la yimaadaan marka ay gorgotamayaan siyaasiyan kana baxsan asluubtii saaxada siyaasadu mudneyd!!!!!!!!!
- Sharciga oo ay si badheedh ah u jabiyaan siyaasiyiintu marka ay dheelayaan ficliyan saaxada siyaasada!!!!!!!!
- Shacabka oo kala raaca siyaasiyiinta si kooxeysan dano kala duwan darteed marka hirdanka siyaasadu kululaato balse aan ku caabiyin midnimo, wixii qayrul-sharci ah ee ay sameynayaan siyaasiyiintu (Fakirka siyaasiga ee shacabka oo eexeysan sababo kala duwan-qabyaalad, daneysi gaar ah, damac hor leh, maal-doon, Iyo wax kale oo wada khaldan-)!!!!!!!
- Isu-tanaasulka siyaasiyiinta oo yar inta badan balse aan ficliyan lala imaanin ka hor inta aaney qadiyada siyaasiga ah ee la isku hayaa aaney isku rogin mushkillad siyaasiya oo dalka hafisa una baahata xallin miisaan iyo mug leh sumcada dalkana dhaawac weyn u keenta diblamaasi ahaan (haddii aan la kala roonaan roob ma da’o)!!!!!!!!!
- Is-heyn cakiran oo siyaasiyan mar kasta aloosan dib-u-dhac weyna ku keenta horusocodkii hayaanka dowladnimo ee la filaayey iyada oo aan laga garaabin haddana misna (Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco)!!!!!!!!!!!!!!
- Kala qeybin shacabka lagula dhexjiro si qabyaalad qaawani ka muuqato mar walba ah oo ay hormood ka yihiin siyaasiyiinta iyo mukhalasiin ay si weyn ugu tabobareen howshaasi hirgelinteeda (Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii koraye-dabciga siyaasiyiinta ee maanta-)!!!!!!!!!!!!!!!!!
Xalka lama huraanka ah(Caano daatey dabadood la qabey)!!!!!:
- Gowshiiyo aynu la nimaadno ummad ahaan oo lagaga tanaasulayo dhaqanka foosha xun ee loo caadeystey dabakhaada saarka siyaasada!!!!!!!
- Towbad keen la gudboon siyaasiyiinta daashey ee fadhiidka ah muxaafid iyo mucaarid labadaba si ay meel mar u noqoto himilada shacabku!!!!!!!!
- Ka dhowsanaan laga fogaado qabyaalada, sharci jabinta, sida foosha xun ee xilliyada ololayaasha siyaasada loo dheelo, khaa’inimada daneysiga siyaasadeed ku ladhan tahey inta badan, iyo wax kasta oo xagal daac ku keeni kara hour-socodka himilada dal ahaaneed!!!!!!!
- Dhameystirka qabyooyinka sharci ee tiro badan, dal ahaan si dowladnimo dhameys ah aynu ugu naaloono una baahan diyaarin hor leh loo howlgalo, iyada oo laga bilaabayo dib-u-eegista iyo kaabida inta yar ee aynu diyaariney muddo dheer oo kacaa-kuf lagu soo jirey!!!!!!!!!!
- Hirgelinta xisbiyada siyaasada dalka oo loo dhaqaaqo howlgelintooda rasmiga ah si aynu dowladnimo taam ah, meel mar iyo hano-qaad rasmi ahna ku dhisan aynu wadanka ugu horseedno-in sha Allah-!!!!!
- Abuurida kalsooni iyo wadajir danta guud ah oo ay siyaasiyiintu la yimaadaan mar walba heer xisbi iyo mid shakhsi labadaba (Ceelna uma qodna ciidana uma maqna)!!!!!!!!!
- Wacyi-gelinta dadweynaha ee aqoonta dowladnimo oo abaabul, kobcin fahamka shacabka ee dowladnimada, toosinta qalooc ku yimaada shacabnimadeena sidii sharciga loogu dhaqi lahaa IWM (Wadaniyada oo u baahan in mug leh shacabkeena loogu abuuro)!!!!!!
- U dedaalka danta guud oo weli aan loo hagar bixin si badheedhe ah (Siyaasiyiintu masuul ka yihiin xagal daac tiro belay oo la caadeystey cahdigan cusub ee Somaliland hirgalkeeda)!!!!!!!!!!
Gebgebo:
“ Damiirku hadduu qalalo, hadduu dufan raadis yahey,
Daliilka hortiisa yaal, waxaa kaga deyran daah,
Dibnuhu baryaday karaan, daryeel kama mahad ceshaan………”
Tixo ka mid ah maansadii Dabo-huwan.
( Abwaan Max’ed I. Warsame(Hadraawi)”
Qalinkii:
Mustafe S. Cilmi,
Burco, Somaliland.
Cell phone: 00 252 2 44 27 734/4137470
Email: mustafe72@yahoo.com, mustafe72@gmail.com