WAJAALE NEWS

Muwadiniin 20 Cisho Cadaalad Daro Ugu Xidhan Marwada Madaxwaynaha Iyo Wasiirada Waxbarashada.Xog culus

SIR CULUS;Fadeexadan ayaa dul Hogaynsa Marwada Maxdawynaha Iyo Wasiirka Waxbarashada Waxana Ka dhalan karta Kacdoono Sameeya Magaalada Hargaysa ,Gabiley Iyo Wajaale

HARGEISA(Wajaalenews);Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa mudadii ay xilka haysay waxaa kasoo baxay waxyaabo badan oo bulshada Somaliland ku noqday amakaag iyagoo aaminsanaa in haddii Madaxwayne Siilaanyo xilka qabto wax badan ka badali doono xaga cadaaladda iyo musuqmaasuqa, kuwaasi oo xiligii uu mucaaridka ahaa uu si xoogle uga damqan jiray arrimahaas, ayaa bulshada Somaliland waxay u arkayeen hadiiba mar uu xilka qabto Muj Madaxwayne Siilaanyo in laga raysan doono.

Amar ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu dulmiyo shacabiga iyo cidkasta oo xaq ul eh in ay dalka ka ganacsato cashuurana soo xaraysa.

Waxaa maalmahan fadeexadii ugu waynayd ka taagan tahay dhul ay daggan yihiin 28 qoys oo danyar ah, kadib damac ay dabada ka riixayaan Wasiirka Waxbarashada iyo Marwada Madaxwayanaha oo iskaashanaya, iyagoo adeegsanaya gabadh qurbajoog ah oo dhul hore looga siiyay agaa

Dhawaan ayay hayd markii ay ciidamo ka amar qaadanaya Madaxtooyadu xoog isku dayeen in ay ku raraan dadka danyarta ah taasi oo ay qoysaska halkaa degana kala hor yimaadeen diidmo

Iyadoo Xabsiga loo taxaabay mulkiilaha tukaanka dhidar store oo ku yaala xaafada shacab agagaarka macradka Good amaba guriga Muj Meecaad hortiisa oo muwaadinku meherad ku haysto, isla markaana xadhigiisa lagu sababeeyey muran dhexmaray meherad cusub oo agtiisa laga furay taasi oo ay leedahay Wasiirka Waxbarashadu Samsam Cabdi Aadan,

Waxaa kale oo iyaguna xabsiga loo tabaaxay qaar ka mid ah dadwayanaha halkaa degan oo xubno Wasiirka Waxbrashadu hoggaaminayso ay doonayaan in dhulkan ay daggen yihiin ka raraan si ay iyagu uga dhistaan mehrado ganacsi, taas oo ay Marwada Madaxwaynuhu ka danbayso lana adeegsanayo awood Madaxtooyo’

Dadka muwaadiniinta ah ayaa mudo 20 cisho ah aan helin wax maxkamad ah iyadoo xataa Taliyaha Saldhiga Dhexe uu diiday qoraal kasoo baxay Maxkamada Gobolka kaas oo u jeedadiisu ahayd in mulkiilaha tukaanka lagu sii daayo damaanad dacwadoodana lasoo gudbiyo.

Dhawaan ayay ahayd marki Marwo Aamina Waris iyo Wasiir Samsam oo wada socda ay socdaal ku tageen magaalada Wajaale, halkaas oo odoyaal ka soo jeeda dadkan xidhan ay u gudbiyeen qoraal ay kaga hadlayaan xadhiga xaq darada ah ee lagu haysto mulkiilaha tukaanka Dhidar iyo dadka la xidhan,

Waxaa xusid mudan warqadan oo uu soo qoray gudmoomiyaha maxkamda Gobolku in  uu diiday  Taliye saldhig

Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Aamina waris oo iyagu noqday kuwo si foolxun ugu shaqaysta awoodii Madaxwayanaha ayaan wax tixgalina siin

Sida ay eheladoodu noo sheegeen, waxa arrinta iyaguna dacwadeeda Madaxtooyada u tagay Salaadiin iyo Cuqaal kuwaas oo iyaguna u gudbiyey dacwadda ay ka qabaan xadhiga sharci darada ah ee la gula kacay.

Arintan ayaa waxba wali ka suurtoobin isagoo Wasiirka Arrimaha Gudduhu dacwadan iskaga riixay Taliyaha Ciidanka Booliska oo isagu ku fashilmay suggida ammniga Caasimada oo ay ka dilaaceen dhallinyaro budhcad ah, gaar ahaan xaafada uu deggen yahay taliyuhu,

Taliye Fadal oo isagu kaliya fuliya amarka Marwada in uu wali si sharci daro ah ugu haysto saldhigyada dad muwaadiniin ah oo xataa loo diiday in la horgeeyo maxkamad sharciya.

Fadeexadan ayaa dul hogaynsa Marwada Maxdawynaha iyo Wasiirka Waxbarashada waxana dhalan karta dacdona sameyay magaalada hargaysa ,gabiley iyo wajaale

Exit mobile version