WAJAALE NEWS

Maxaa ka jira in Wasiirradii Ugu Cad-caddaa ee Soo Mara Xukuumadda Siilaanyo Xilal looga magacaabayo dawladda Soomaaliya?

Paris, (Wajaalenews)- Dawladda Soomaaliya, ayaa ku hawlan qorshe ay dhismaha xukuumadda raysal-wasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke kaga qayb-galinayso Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda Somaliland si ay uga f’aaidaysato faa’idaysanayso waayo-aragnimada ay u leeyihiin maamul daadejinta iyo xalinta khilaafaadka.

Sida lagu baahiyey Majaladda African Intelligence, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorshahan ku darsatay Ajandaha wada-xaajoodkii madaxweynaha Somaliland ku dhex-maray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, haseyeeshee lama sheegin in arrintan lagu soo qaaday kulankaas.

Sida majaladdu sheegtay, Xubno hore Xilal Wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar wakhtigan Xilal haya, ayaa la qorsheeyye inay ka mid noqdaan liiska wasiirrada maalmaha soo socda la filayo inuu magacaabo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake, haseyeesehe ma jiro wax war ah oo arrintan xaqiijinaya oo ka soo baxay dawladda Soomaaliya.

Warku waxa uu intaas ku daray oo sheegay in xubnahan ay ka mid yihiin Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdillahi Cumar, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Maxamuud Cabdillahi Jaamac (Sifir) oo xilligan ah safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Lama hubo in xidhiidh dhex-maray masuuliyiintan iyo dawladda Soomaaliya iyo haddii ay is-arkeen inay aqbaleen qorshahan, haseyeeshee masuuliyiintan oo aanu isku daynay inaanu jiritaanka arrintan ka xaqiijinno, ayaanay noo suurto-galin, ka dib markii aanu ogaannay inay saddexdooda dalka dibaddiisa ku maqan yihiiin.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa dhowaan xilal caalami ah looga magacaabay Ururrada Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Mr. Duur oo isaguna wakhtigan booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa hore warbaahinta loogu baahiyey warar lagu sheegay inuu socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, in kasta oo Md Duur markii dambe waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas laga faafiyey.

Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa xilligan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, isaga oo ka mid ahaa wasiirro hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku biiray xisbigaas.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), ayaa isagu tiraba dhowr jeer xilal kala duwan oo uu ka gaadhay raysal-wasaare ku-xigeen ka soo qabtay Dawladihii isaga kala dambeeyey Soomaaliya, isaga oo ahaa siyaasi aaminsan mabda’a Soomaali-weyn, balse markii dambe ka tanaasulay mowqifkiisaas muddo yar ka dib guushii xisbiga Kulmiye ka gaadhay tartanka doorashadii uu madax-tinimada dalka ku hantay ee sannadkii 2010-kii, Isaga oo dalka Socdaal ku yimi, ka dib markii madaxweyne Siilaanyo Cafis u fidiyey. Waxaana markii dambe loo magacaabay Safiirka Somaliland ee Kenya ka dib markii uu geeriyooday danjirihii hore Axmed Maxamed (Indho-buur).

Exit mobile version