WAJAALE NEWS

Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadashay Rajadooda ku Aaddan Doorasho Diiwaan-gelin leh Oo Dalka Ka Dhacda 2015-Ka

komishinka doorashooyinka qarankaHargeysa:(Wajaale News)-Af-hayeenka Guddida Doorashooyinka somaliland Maxamed axmed Geelle, ayaa markii ugu horraysay tan iyo intii xidbiyada qaranka iyo xukuumaddu kala saxeexdeen heshiiska, waxa uu ka hadlay  tallaabooyinkii uu soo maray heshiiskan haatan la gaadhay.
Maxamed Axmed Geelle oo maalintii shalay u warramayey Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in Heshiiskan ka hor ay soo mareen caqabado badan oo ay ka soo gudbeen, waxana uu xusay Deeqbixiyayaashu soo jeedimo badan  hore ugu soo bandhigeen,  “ Waftigii deeqbixiyayaashu noo soo direen waxa uu noo soo jeedieyey saddex arrimood inaanu kala doorano.In diiwaangelinta madaniga ah la sameeyo ka dibna lagala soo baxo liiska codbixiyayaasha, in la kala qaado labadooda oo kan diiwaangelinta madaniga  ahina iska socoto, diwaangelin codbixiyeyaasha oo laga gaadhsiiyo 2015-kana la sameeyo, midda saddexaadna waa in labada la isku dhafo sidii tii 2008-dii oo kale, ugu dambayntiina waxanu dooranay soo jeedinta saddexaad.” Ayuu yidhi afhayeenku.
Af-hayeenku waxa kale oo uu xusay inay diiwaangelintu dib uga dhacday xilligii ay rasmiyan ahayd in la bilaabo, isagoo taanna sababeeyey, waxana uu yidhi, “Qorshahayagu waxa uu u ahaa inaanu bilowno bishan aynu ku jirno amaba ta dambe laakiin intii wax la isku raaco la helayey ayuu wakhtigii dhacay.”
Sidoo kale waxa uu Af-hayeenku sheegay inay xukuumadda Somaliland saamigii ku soo hagaagay ay ballan qaaday bixinteeda, waxana uu yidhi, “Dawladdu waxa ay caddaysay inay qaybteeda bixin doonto oo  miisaaniyadda ku dartay.”
Ugu dambayntii waxa uu mudane Geelle ka hadlay rajada uu ka qabo inay  doorasho codbixiyayaasheedu diiwaangashan yihiin dalka ka qabsoonto xilligii loo qoondeeyey, waxana uu yidhi, “Haddii Doorashada haatan go’aankeeda la isla wada qaato, farsamadeeda kalena waa laga gaadhsiinayaa.”
Sanadka 2015-ka waxa Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Sugaya doorashooyin badan oo is barkan, kuwaas  oo kala ah Doorashooyinka madaxtooyada, guurtida iyo wakiillada, waxan waxaas oo dhan hirgelinteeda laga sugayaa Guddida.

Wajaale News
Hargeysa Office

Exit mobile version