WAJAALE NEWS

Hoggaanka Jaamacadda Hargeysa Oo Xilkii Iska Casilay Saylici Oo Ka Aqbalay iyo Laba Kamid ah Hormoodka Jaamacadda Oo Shaqada Laga Joojiyey.

Hargeysa:(Wajaalenews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa aqbalay Iscasilaad ay dhawaan soo gudbiyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas iyo Ku Xigeenkiisii Prof. Cabdisalaan Yaasiin, isagoo labaad Masuul faray inay xilka sii hayaan ilaa inta cid kale loosoo magacaabayo.

Waxa sidoo kale warqadda Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka kasoo baxaday Lagu sheegay in Muddo afar bilood ah shaqada laga joojiyey Laba Masuul oo Jaamacadda Hargeysa ka tirsan, kuwaas oo xuddun u ahaa Tegitaanka Hormuudka Jaacaddu shaqada uga tageen.

Labada Masuul ee Madaxweyne-kuxigeenku shaqada ka joojiyey ayaa kala ah Hormuudka Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo Hormuudka Kulliyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Prof. Keyse Cali Geedi, kuwaasi oo la farray inay muddadaas ka dib ka war sugaan Xafiiska Madaxweyne xigeenka.

Qoraalkan ayuu Madaxweyne kuxigeenku ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland u igmaday xallinta khilaafadka joogtada ah ee Hogaanka Jaamacadda, sidaasi darteedna uu go’aamadan u soo saaray.

Gudoomiyaha Jaamacadda Mudane Gaas iyo labada Macalin ee Prof Caddaad iyo Prof Keyse ayuu khilaaf u dhexeeyay in muddo ah kaasi oo salka ku hayay Khilaaf maamul oo kala dhex galay sababayna in Shaqada laga joojiyay Macalimiinta balse uu go’aankaasi socon waayay.

Warqadda Madaxweyne xigeenka oo lagu socodsiiyay Guddida Jaamacadda Hargeysa, lana Ogaysiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Xubnahan ay khusayso waxa uu Madaxweyne xigeenku ku sheegay inay talaabooyinkani taageerayaan jiritaanka Jaamacadda iyo in hawsheedu si habsami ah u socoto.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version