WAJAALE NEWS

Ganacsato Soomaali ah oo Xalay Siyaabo kala duwan loogu dilay South Africa

Limpopo (Wajaalenews)— Saddex ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay deegaan ku yaalla gobolka Limpopo ee waddanka Koonfur Afrika.

Labo ka mid ah marxuumiinta la dilay ayaa lagu dhax-toogtay dukaammo ku yaalla tuulo 100-km u jirta magalada Polokuwani oo ah caasimadda gobolka Limpopo, kaddib markii rag burcad ah ay xilli saq dhexe ah ay dukaanno ay lahaayeen ugu galeen kooxo hubeysan xilli ay hurdayeen, waxaana la dhigay meydadkooda isbitaal ku yaalla Polokuwani, iyadoo la aasi doono berri oo Sabti ah.

Marxuumka saddexaad ayaa lagu dilay magaalada Thohoyandou oo Limpopo ka tirsan, kaddib markii rag baangado iyo torreeya wata ay ugu galeen goob ganacsi oo uu joogay xili habeen ah; waxayna geeysteen meel bannaan ah; iyagoo six un u jar-jaray jirkiisa. Wuxuuna maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Thohoyandou sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Cabdirashiid Xuuriye Khayre oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Thohoyandou.

Dilalkan dib ugu billowday dalka Koonfur-Afrika ayaa meesha ka saaraya in is-bedal dhanka ammaanka ah ay Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas dareemeen.

Waxaana xusid mudan in sannadkii hore ee 2014-ka uu ahaa sannad ay aad u yarayeen dilalka lagu hayo Soomaalida Koonfur Afrika ku nool, iyadoo lagu sheegay tirakoob la sameeyay in 65 qof oo dhamantod ah dhallinyaro aad u da’yar lagu dilay gobollo kala duwan oo ku yaalla Koonfur Afrika.

 

Exit mobile version