WAJAALE NEWS

DAAWO;“Siimoodi iyo Baki Reer Nuur baa leh, Balse Waa lanala Degaa.” Garadka Reer Nuur.

Borama(Wajaalenews) Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada borama bulsho ka soo jeeda beesha reer nuur oo isku jirtay cuqaal, siyaasiyiin. ganacsato, salaadiin, dhalinyaro, aqoonyahano.

shirkan jaraa’id ee ay beesha reeer nuur ayaa jawaab u ahaa beel hore u sheegatay in ay leedahay siimoodi iyo baki hadaba dhamaan xubnihii shirka ka hadlay ayaa gormeefay taariikhda lahaanshaha buurta siimoodi waxayna sheegeen in ay beesha reer nuur 100 sano ka hor deganayd iyaduna iska leedahay wixii khayraad ah ee hore loogala baxayna ay magdhow ka rabaan xukuumada cidkale oo u dhaafi kartaana ayna jirin.talada buurta siimoodina wixii talo ah laga waydiin karo oo kaliya beelaha reer nuur, buurta siimoodi oo hodan ku ah macdanka ayaa hadal kasoo yeedhay beesha reer maxamed iyo xubno kasoo jeeda beesha oo xukuumada siilaanyo xilal ka haya ay sheegeen in ay leeyihiin siimoodi. sikastaba ha ahaatee beelaha reer nuur waxay cadaysay in ay leedahay degmada baki 80% degaan ahaan cidii wax intaa ka baxsan la timaadana gacmaha loola tagi doono waa siday hadalka u dhigeene sidoo kale beesha reer nuur waxay ku baaqday nabad iyo xasilooni in ay kule noolaadaan walaalaha kale ee la dagni

Exit mobile version