HARGAYSA(W,N)-Xubno kamid ah Abwaanada ugu caansan Gayiga somalida iyo guud ahaan Somaliland Aqoonyahan, garyaqaano iyo qaarkamid ah dhalinyarada degmada Ibraahim koodbuur ee magaalada hargaysa ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay xildhibaanka ugu codka badan caasimada hargaysa xildhibaan cabdikariim axmed mooge ahna maayarka cusub ee shacabka Somaliland doorteen in caasimada hogaamiyo.taasi oo ka qabsoontay huteelka suldaan ee xaafada jig jiga yar.
Sidoo kale Abwaanno, Garyaqaano, Aqoonyahan iyo haldoor kale oo rag iyo dumar isugu jira ayaa si wayn u muujiyay garab istaaggooda ay garab joogaan Mudane Cabdikariim Axmed Mooge.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge ayaa uga mahad celiyay dhallinyarada kulankaas, waxana uu ka sheekeeyey qorshaha uu doonayo inuu caasimadda ku hoggaamiyo.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday waji farxadle oo ay iswaydaarsadeen haldoorka dayarta Somaliland iyo xildhibaanka shacabka caasimadu doortay xildhibaan maayar cabdikariim axmed mooge