WAJAALE NEWS

DAAWO: Shirkadda Nike Oo Cristiano Ronaldo Abaal-marin U Siisay Kabo Dahab Ah…!

CAJIIB: Shirkadda Nike Oo Cristiano Ronaldo Abaal-marin U Siisay Kabo Dahab Ah…!

Shirkadda caanka ah ee samaysa qalabka Sportska ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Nike ayaa guddoonsiiyay Cristiano Ronaldo kabo dahab ah, ka dib markii uu noqday xiddiga dunida ugu wanaagsan kubadda cagt

Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal-marinta FIFA Ballon d’Or waxayna Nike gar-waaqsatay xiddigan xayeysiinta u sameeya inay sannadkan 2015 ku abaal-mariso kabo qaali ah oo isagana u gaar ah sidaa darteed waxay shirkaddan Ronaldo u samaysay kabo dahab ah. Nike ayaa ku faraxsan in Ronaldo uu abaal-marinta d’Or ku garaacay Lionel Messi iyo Manuel Neuer oo xayeysiin u sameeya shirkadda Adidas.

Sidaa darteed xifaaltanka dhanka suuqa ee ka dhaxeeya Nike iyo Adidas ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay waxaana muuqata in labadan shirkaddood ee qalabka Sports-ka sameeya midba mida kale ay jeceshahay inay suuqa kala wareegto.

Ronaldo ayaa ku faraxsan in masuuliyiinta Nike hadyad qaali ah siiyaan maadaama uu isaga magaca shirkaddan sarre u qaaday maadaama loo doortay laacibka adduunka ugu wanaagsan sannadkii labaad oo xidhiidh ah isaga oo xayeysiin joogto ah Nike u sameeya.

Exit mobile version