Riyad(Wajaalenews) Boqor Salmaan Bin Cabdil Casiis ayaa si kadis ah u joojiyay qaabilaadda ama soo dhawaynta madaxwaynaha dalka maraykanka oo booqasho ugu yimi qasrigiisa magaalada Riyad ee caasimadda dalka Sucuudiga.
Boqor Salmaan oo hortaagan Madaxwayne Obamaha Maraykanka iyo Xaaskiisa ayaa loo sheegay in ay gaadhay Xiligii Salaadda Casar waxaana uu si dhakhso ah ugu dhaqaaqay dhinaca Cibaadada isagoo u sheegay obama iyo waftigiisa in uu salaadda dabadeeda kusoo laaban doono,intaasi dabadeed waxaa la arkayay Obama iyo Xaaskiisa oo ay Sii Maaweelinayeen nin iyo gabadh kale oo ay u badan tahay in ay ka mid ahaayeen waftiga socdaalka ku wehelinayay.
http://youtu.be/iRC5aWCs22g