WAJAALE NEWS

DAAWO ;Baraf Iyo Dabeylo Xoogan ka Dhacay Waqooyi Bari Ee Dalka Maraykanka.

USA(Wajaalenews)Gobollada Waqooyi-bari ee Maraykanka ayaa xaalad deg-deg ah lagu soo rogay kaddib baraf iyo dabeylo qabow xooggan wata oo sagaal gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka ku dhuftay.

Barafkan ayaa la sheegay inuu yahay mid taariikhi ah iyadoo warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal-hayso; waxaana gebi ahaan la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo duuli-maadyada, sidoo kale waxaa la xiray iskuullada, iyadoo la fasaxay dhammaan shaqaalaha, dadkana waxaa lagu amray inay guryahooda joogaan.

http://youtu.be/eUC0NbkGMF4

In ka badan 30-milyan oo qof ayaa xaaladdan lagu soo rogay, kuwaasoo guryahooda jooga, cabsida ugu weyn oo ay dadkan qabaan ayaa ah in korontada iyo biyuhu go’aan, waxaana heegan la geliyay gawaarida gar-gaarka deg-degga ah iyo ciidamada booliiska si ay ula tacaalaan dhibaatada cabsi xooggan laga qabo.

Hay’adda la socodka cimilada ee Mareykanka ayaa sheegtay in duufaantan barafka wadata ee loo yaqaano Nor’Easter ay keeni doonto baraf badan, duufaan, dabeylo iyo fatahaad dhanka biyaha ah; waxaana cabirka barafka lagu sheegay 25 illaa 30 Inch, isla markaana uu dhulkana ka sari mari doona illaa 90 Centi-meter

 

Exit mobile version