WAJAALE NEWS

21-Gobol Oo Maraykanka Ah Oo Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Ka Dib Markii Baraf Iyo Qabowgii Ugu Xumaa Taariikhdu Ku Dhuftay Daawo Video .

US-WEATHER-TIMES SQUARENew York, (Wajaale News):- Ugu Yaraan sagaal qofayaa ku dhintay, baraf iyo dabaylo qabow ah oo ku dhuftay waqooyiga qaarada Amerika, waxaana 21-Gobol oo ka mid ah dalka Maraykanka lagu soo rogay xaalad degdeg ah ka dib markii heerka qabowgu gaadhay -28 Degree ama haddii si kale loo dhigo sideed iyo labaatan derejo hoos uga dhacay heerka biyuhu ku barafoobaan.

Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, sida New York oo kale ayaa la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha iyo isu socodka gaadiidka, kadib markii dhibaato ka soo gaadhay dad kala duwan, waxa kale oo heerka barafku gaadhay mid aan la qiyaasi karayn, ka dib markii meel kasta buux dhaafsantay baraf.

Mayerka Magaalada New York ayaa dadka ugu baaqayin guryahooda ay ku negaadaan ilaa xaaladu ka soo raynayso, waxaanu barafkaniyo duufaantan qabowga ahi ugu daran tahay xeebaha waqooyi bari ee dalka Maraykanka,Chicago. Boston, New York iyo New Jersey.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version