WAJAALE NEWS

DAAWO;Wasiirka Madaxtooyada Oo Si Badheedha U Aflagadeeyay Dadka Kasoo Jeeda Deegaanka Gabiley ;

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi xaaji cali ayaa si ka baxsan anshaxa madaxda iyo dhaqanka masuuliyiinta wuxuu hadalo iskugu jira cay iyo bahdil ku weraray bulshada reer gabiley xili uu ka hadlayay furintaankii wadada DAWGA CAD isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dad OROMA AH islmarkaana aan ka mahad niqin wixii loo qabtay jidka wajaalena ayna waxba ku darsan dadka deegaankaasi

http://youtu.be/eWfZkdGh7DQ

Akhri hadalka wasiirka oo qoraala kana buuqa boga uu leeyahay wasiirku.

Waxa ii muuqata runtii dad qalad ka turjumay wadadan, waxan maray wadooyinka sidaad ogaydeen markii madaxweynuhu ii diraym debedaha in badan oo ka mida oo aan marayey, dabcan wadada ceerigaabo oo muhiim ah ayaan soo bandhigayey, laakiinse sidaa aan imikaba wadooyinka oodhan u soo bandhigayo ayaan ka waramaayey meeshay marayaan iyo baahida loo qabo iyo muhiimadooda, waxa ii muuqatay dad badan oo qurba-jooga oo halka aynu u baahnayn tartan caafimaad qaba oo qof waliba uu ku dedaalo inuu tartan caafimaad qaba bixiyo, tartan cuqdadleh ayaan ku arkay debeda, waxa iila yaab badnaa inan igula kulmay Minnesota oo igu yidhi 50 milyan baan u ururinay dawga cad, maxay dawladu wax ugu tari wayday dawladu waxba kuma tarine, konton melyan halkan lama soo gaadhsiin oo waynagaa arkayna oo hadii la soo gaadhsiiyey gudidani cidba uma baahateen hadii 50m la soo gaadhsiiyo oo la siiyo, dawladu waxba ma tarto waa kuwa iyagu beeniyey oo dawladu wax way tartay, waxaa loo baahan yahay in aan la cuqdadayn in dadku isku duubnida iyo wada jirka ayuu wax ku qabsadaa.

 

Kuwa aan waxba ka qaybqaadan oo aan shilin bixin ayaa cuqdadaynaya waxan leeyahay cuqdada ka daaya, waxaan leeyahay guddida ha la garab istaago, deegaanka dhamaantii ha loo kaco, dawladuna sidaa aan sheegay diyaar ayey u tahay inay ka qayb qaadato, horena waanu uga qayb qaadatay, diyaar baananu u nahay waxaana illaahay mahadiiya, intii meelahaa ka odhan jirtay dawladu waxba kuma tarin haday kuwii gacanta ku hayey iyo kuwii tarayey aanu maanta is hortaaganay oo la yidhi dawladu horena way noogu tartay maanta ay ka doonayaan oo ay diyaar u yihiin, waxa aan jecelahay mid kaftana inaan idhaahdo suldaanka oo yidhi deegaankani sida dawlada wax loo waydiisto ma yaqaaniin, dee waxan lahaa qolada deegaankan iyagaa dawadlada aftaqaane, haday dawlada afgaran waydo dee tolow cid inoo afgarataba biloo waynee waxaan islahaa waa turjumaankii oo dadka kale iyagaa ugu ilbaxsane.

Deegaankan waa laga yaabaa in dadka qaarkii qalad iska dhaadhiciyo, deegankan wadooyinka ugu badan ayaanu ka samaynay dawlad ahaan, tan aan tilmaamayey mooye ka kaalay, wadada wajaale, 18km, ina oomaar oo 100 kun iyo daamur nasiiyey mooye cid kale waxba nama tarin, waxay ahayd dawlada dhexe (Central Government) iyo 2km oo gabiley bixisay, ayaan ka hadlayaa, inta kale dhamaanteed dawladaa bixisay tolow miyaanay deegaanka ka tirsanayn qoladaasi ma oromaa, waxaan leeyahay wixii aanu qabanay in la sheego ayaanu jecelnay si aanu u godlano oo waxa kale aanu u qabano, waxa socota iyana wadada Alaybaday, waxaanu lahayn wasiirka maaliyadu wuu wada leexiyey oo wuxuu gaar u taray mooye wixii kale waa la ogyahay oo waa dhiibtay, waxaan gaar u leeyahay halkan samsam baa la xusay oo kolay wasiirkana waa laga yaaba, markaa, waxan leeyahay isu soo wada duuduub xukuumadu si (collective) ah ayey wax u qabataa,

 HADALKAN WASIIRKA MADAXTOOYADA AYAA AH MID BULSHADA REER GABILEY KU ABUURAY DAREEN CADHO LEH WAXAANA LAGA YAABAA IN AY ABUURTA ARIMO XASAASIYA XILI AY KUSUGAN YIHIN WAFIGA MADAXWAYNAHA OO UU LASOCDO WASIIRKII  SIDA BADHEEDHKA AH U CAAYAY REER GABILEY;

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version