WAJAALE NEWS

“Waxan ka rajaynaynaa In Ay Xukuumaddu Umadda U fasirto Waxa Lagu Dhiirranayaa Waxa Ay Yihiin.” Guddoomiye Cirro

Hargeysa:(Wajaalenews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka Hadlay Qoddobada kasoo baxay Heshiiskii Dhawaan Somaliland iyo Somalia ku kala saxeexdeen Dalka Djibouti, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay Heshiiskaas Faahfaahiso.
Guddoomiye Cirro oo maanta Warbaahinta Xafiiskii Hargeysa kula Hadlay, ayaa waxa uu tilmaamay in wada Hadalku Yahay tallaabo fiican, balse loo baahan yahay in arrimaha Qaarkood talo laga yeesha,
“guud ahaan in la wada Hadlaa arrimo la isla ogolaaday bay bahayd, laakiin waxa laga wada Hadlayo iyo markay soo gaadho arrimaha Masiiriga ah in marka hore laga wada tashado marka dambena looga warramo shacbiga ayuu waajibku yahay sidaan qabno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiye cirro waxa uu sheegay in xukuumadda looga Baahan yahay inay umadda u Bayaamiso Qoddobo ku jirey Heshiiska oo ay ugu weyn tahay in arrimaha Masiiriga ah lagu dhiirado, waxana uu yidhi,
“Qoddobada laga wada Hadlay waxa kamid ah in labada dhinac ku heshiiyeen In arrimaha siyaasiga ah ee Masiiriga ah lagu dhiirrado, masiirkana waanu garanay oo waa mustaqbalka umadda, markaa waxan ka rajaynaynaa in ay xukuumaddu umadda u fasirto waxa lagu dhiirranayaa waxa ay yihiin.”
Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Cirro tilmaamay in arrinta Gooni isu taaggu tahay lama taabtaan, isla-markaana aan gorgortan la gelin Karin, waxana uu yidhi,
“Waxanu ka warqabnaa in arrinta gooni isu taagu tahay mid aan Gorgortan Geli Karin, laakiinxukuumadaanu ka sugaynaa inay dadka iyo axsaabta u bayaamiso iyo Guud ahaanba Heshiiskaa Nuxurkiisa.”

Exit mobile version