WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Madaxda Reer Qatar ugu Hambalyeeyey Maalinta Xorriyadooda

DHAMBAAL HAMBALYO MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka Qatar, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada QATAR awgeed.

 

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani iyo shacbiga Dalka Qatar oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

 

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Dawlda Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version