WAJAALE NEWS

Madaxweynaha JSL oo Caawa Booqday Suuqyada Caasimadda

HARGEISA(Wajaalenews) Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa si shaqsi ahaaneed u booqday qaybo ka tirsan Caasimadda isla markaana suuqyada kulamo la yeeshay dadka muwaadiniinta ah.

Madaxweynaha JSL oo caadiyan sameeya socdaalada noocan ah ayaa waxa ujeedadiisu tahay sidii uu u xog waraysan lahaa bulshada Somaliland, sida ganacsatada oo uu meherahooda ugu tago iyo dadweynaha caamka ahba.

Socdaalkiisa caawa ayaa Madaxweynahu waxa uu ku gaadhay goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan oo uu ka mid yahay Hotel Summer-Time, Garoonka Kubadda cagta ee Turkiga oo dhalinyaradii ku ciyaaraysay si weyn u soo dhoweeyeen iyo goobo kale oo ka mid ah suuqyada caasimadda, iyadoo meel kasta oo uu tagana ay Dadweynuhu farxad ku qaabilayeen.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version