WAJAALE NEWS

Maareeye-Ku-Xigeenka-Wakaalada-Korontada-Oo-Faah-Faahin-Ka-bixiyey-Sababta-Keentay-Koronta-La-aanta

HARGEISA(WAJAALENEWS);Mareeye ku xigeenka Wakaalada Korontada Magaalada Hargeysa Cabdilaahi Yuusuf Cilmi ayaa Tafaasiil Dheeraada ka bixiyey sababta keentay cilada in mashiinkii laydhka magaalada u shidaayey uu bakhtiyo waxaana uu sheegay in ay aad uga xun yihiin in Laydhkii magaaladu u bakhtiyo kana raaligalinayaan dhamaanba shacbiga reer hargeysa.waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay sida ugu dhakhsaha badan ay ciladaasi yar u xalin doonaan oo ay shacbka ka dalbayaan inay u samraan.

Maareeyaha oo maanta magaalada Hargeysa ugu warmaayey qaar kamida warbaahinta ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:
“Habeenadan oo aad u kooban laydhka ayaa bakh bakhtiyey, manuu wada bakhtiyin ee saacado kooban ayey qaybi bakhtiisnayd, wax walba bina aadan  ayaa sameeyey ciladina way iman kartaa.”

Sida oo kale waxaa uu maareeye ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wata uu ka warbixinayaa qaabka ay ciladu ugu timi mashiinka bakhtiyey waxaana uu yidhi:“Hal mishiin ayey ciladi ku timid kaas oo aanu wadnay xalkiisa, labana imika way shidan yihiin oo culayskii magaalada ayey qaadi kari waayeen dabadeedna waxaanu samaynay in saacado kooban laga jaro qayb ahaan, waxaanay muhiimadu tahay in caawa ilaa habeen danbe uu laydhkii bixi doono, mishiinkiina xalkiisa lagu jiro.

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Exit mobile version