WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Garabka haweenka xisbiga wadani ee waqooyiga ameerika Suhuur Xassan Abiib oo tacsi u dirtay dhamaan saxaafada somaliland

zuhur 5
Toronto(W.N): Gudoomiyaha garabka haweenka ee waqooyiga ameerika ee xisbiga wadani ahna safiirka wareega Marwo Suhuur Xassan Abiib ayaa hambaal tacsi ah u dirtay guud ahaan shacbiga somaliland gaar ahaan saxaafada somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay xoghayihii ururka suxufiyiinta solja marxuum maxamed rashiid Muxumed Faarax oo alle naxariistii jano ha ka waraabiyee maanta lagu aasay magaalada hargaysa marwo suhuur ayaa dhanbaalkan ka soo dirtay iyadoo haatan ku sugan magaalada toronto ee cariga canada waxaanu dhambaalkaasi u qornaa sida tan
” inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun kulu nafsi daa,iqatil mawt geeridu waa xaq hasayeeshee maanta waxaa inaga baxay tiir dhexaad ay lahayd saxaafada xorta ahi waxaan halkan taci tiiraanyo leh uga dirayaa dhaaan shacbiwaynaha soaliland gaar ahaan saxaafada somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay arxuum axamed rashiid muxumed faarax ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo maxamed rashiid inagana samir iyo iimaan saadaq ah ha inaga siiyo,
maxamed rashiid waxuu ahaa ruugcadaa islamarkaana waxuu ahaa qareenka saxaafada xorta ah taariikhdaana xusi doonta

Exit mobile version