WAJAALE NEWS

Guddidii Horumarinta beesha sacad Muuse oo ku kala Jabtay Qorshe Siyaasadeed Mudooyinka Ka dhex Socday

Hargeysa(Wajaalenews) Guddidii beesha Sacad Muuse ee Hoodaale ayaa galabta ku kala jabtay qorshe siyaasadaysnaa oo uu beryahanba ku dhex jiray kaasoo ahaa in ay Musharax ugu dhawaaqaan in uu beesha isku raacdo musharax xili aanay jirin waxkeena in beesha lagu jahawareeriyo khilaaf kala fogayn kara iyo gudidan oo shaqadoodu ahayd in ay ka shaqayso horumarinta beesha iyo deegaanadeeda.

Guddida oo yeelatay fadhi illaa saaka socday isla markaana soo gabagaboobay salaadii casar kadib ayay ku kala jabeen in ay u codeeyaan iyagoo koox ka mid ah Guddidaasi gaashaanka ku dhufatay in Guddidu gasho hawl aan loo diran.

 

Kooxda hadhay ayaa dib u fadhiistay waxaanay wadaan qorshihii ay beryahanba wadeen iyadoo la filayo inay soo saari doonaan qorshe dhinac kararan beesha ku yelan doona saamayn xoogan,

 

Waxa jira dhaqdhaqaaqyo isku soo horjeeda oo ay labada dhinac kala wadaan kooxda ka dareertay ayaa wada inay warbaahinta la hadasho si ay ugu bayaamiso in ay guddidu burburtay isla markaana aanu ahayn go’aan la isku raacay waxa ay kooxda dhabarka la soo taabtay soo saarto.

 

Kooxda kale ayaa iyana isugu yeedhay illaa shan Sudaan kuwaas oo ay doonayaan inay u bandhigaan go’aanka, hase yeeshee salaadiinta kale ee beesha ayaa iyana dhinacooda kulamo ka leh go’aanka Reerka lagu soo dhex tuuray, waxaana saacadaha soo socda soo bixi doona warar kala duwan oo ay labada dhinac warbaahinta siin doonto.

 

 

Exit mobile version