WAJAALE NEWS

WAR DEGDEG AH TOG-WAJAALE LABA QOF OO KU GEERIYOODAY XADHKAHA LEYDHKA EE SHIRKADA TELESOM IYO RABSHADO GADOOD AH OO KA DHASHEY

Tog-Wajaale(Wajaalenews)- Labo Qof ayaa ku dhintay qaar kalana waxyeelo halis ah soo gaadhsiiyay kadib markii Xadhkaha Leydhka ee Shirkada Telesom ay ku leedahay Magaalada Tog-Wajaale dhulka kusoo daateen taasi oo la Sheegay in xadhkahaasi ay soo daadiyeen Dabeylaha loo yaqaaqo fooraha Guga oo galabta ka dhacey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya

Tog-Wajaale(WJN)-Xadhkaha Leydhka ee Magaalada Tog-Wajaale ayaa, qudha ka jarey laba kamid ah Shacbiga ku nool Magaaladaasi, kadib markii ay qabsadeen Xadhkahaasi qaar kamid ah dadweynaha oo dhex lugeynayay Gudaha Magaalada xadhkahaas oo la Sheegay in ay soo daadiyeen Dabeylo ka dhacey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya dhinaca Somaliland.
 
Xadhkaha Leydhka ee Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa, sababey dhimashada laba qof oo kamid ah Dadweynaha kunool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale taas oo sababtey in ay Shaqaaqooyin ka abuurmeen Rabshada gadood ah oo ay ehelada dadka geeriyooday kaga gadoodeen Shilka xadhkaha Leydhkaasi.
LABADA MARXUUM OO AANU ISKU DAYNAY IN AANU MAGACODO HELNO AYAA MIDKAMIDA LAGU MAGACAABAA (SANDHEERE)
Taliyaha Ciidanka Booliska Tog-Wajaale Muxumed Ibraahim Suldaan oo Shabakada wararka wajaalenews. kula Xidhiidhay khadka Isgaadhsiinta ayaa, isagu sheegay in aanay u suuratagleynin xiligan in uu waramomaadaama uu ku guda jiro Xiligan howsha baadhista Ciidanka Booliska, waxaanu ka cudurdaartey in uu dhacdada shilkan wax tafaasiil ah ka bixiyo.
 
Mar aanu isku daynay in aanu la Xidhiidhno Maamulaha Shirkada Telesom ee Tog-Wajaale Yuusuf Maxamed Xasan(Yuusuf-Cali), oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino dhacdada shilkan ee geerida labada qof maadaama, la sheegay in ay ku geeriyoodeen Xadhkaha Leydhka Shirkada Telesom ee Tog-Wajaale ayaaney, noo suurtaglin kadib markii uu qaban waayey
Xadhkaha shirkada telesom ayaa ah kuwo suuqa daadsan islamarkaana xaniba baabuurta xamuulka ah iyo dadwayanahab
 wararka KASOO HORDHAN DHACDADAN KALA SOCO WAJAALENEWS.COM
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
WARIYE M.M.,X
Exit mobile version