WAJAALE NEWS

Deg-Deg : Magaalada Gabiley Oo Lagu Gubay Gaadhi Uu Lahaa Gudoomiyihii Dhalinyarada Gabiley Ee Qaban Qaabinayay Shirka Dhalinyarada Gobolka .

Gabiley -(Wajaalenews)- Waxaa Magaalada Gabiley Xalay  Abaaro 02:30 Habeenimo Lagu Gubay Gaadhi Uu Lahaa Gudoomiyii Dhalinyarada Gobolka Gabiley Cabdiqaadir Muuse Cilmi Oo Dhawaan Isaga Iyo Xubno Kale Oo Dhalinyaro Ahi Kaga Dhawaaqeen Magaalada Gabiley In Ay Qaban Doonaan Shir Ay Dhalinyaradu Aayahooda Mustaqbal Kaga Tashan Doonaan .

Cabdiqaadir Muuse Cilmi Ayaa Xalay Warbaahinta Ku Soo War Galiyay In Ay Bari (Maanta) Ay Ku Dhawaaqayaan Goobta Iyo Goorta Uu Dhacayo Shirku In Ay Kaga Dhawaaqayaan Shir Jaraa’id Qaban Doonaan Subaxnimada Oo Ay U Yimaadaan Balse Waxaase Mushkilad Ku Noqotay In Gaadhigii Uu Lahaa Oo Noociisu Ahaa Crown Madow Lagu Gubo Aqalkiisa Horteeda Iyada Oo Aan La Garanayn Sababta Loo Gubay Iyo Cida Ka Danbaysay Gubida Gaadhigani Midna .

Dhanka Kale Mar Aanu Booqanay Meesha Gaadhigani Lagu Gubay Ayaa Waxaanu Kula Kulanay Gudoomiye Cabdiqaadir Oo Jooga Meeshii Lagu Gubay Gaadhigiisa Waxaana Uu Noo Sheegay In Laga Gubay Gaadhigiisii Balse Aanu Garanayn Cida Gubtay Iyo Cid Uu U Malayn Karo In Ay Ka Suurtawdo Oo Ay Godob Ka Dhexaysay Balse Wuxuu Carabka Ku Adkeeyay In Ay Jirto Siyaasad Gaar Ah Oo Cidi Farta Ku Soo Fiiqday Oo La Doonayay In Lagu Curyaamiyo Shakhsiyadiisa Si Loo Hakiyo Fikirka Uu Qabo Ee Shirka Aayo Ka Tashiga Dhalinyarada Gobolka Gabiley .

Waxa Kale Oo Aanu Wax Ka Waydiinay In Uu Hayo Wax Cadaymo Ah Oo Cadaynaya In Gaadhigan Laga Gubay Ee Aanu Si Kale U Guban . Waxaana Uu Noo Sheegay In Gaadhiga Markii La Gubayay La Jabiyay Muraayada Danbe Lagagana Shubay Patrol Sidaana Dabka Lagu Qabadsiiyay Waxaana Uu Sidoo Kale Sheegay In Qofkii Gaadhiga Gubay Baxsaday Markii Shanqadhiisa Lagu Soo Toosay Uuna Ka Baxsaday Iyagoo Goobtii Yaala 3 Baanadood Oo Midkeed Jabantahay Iyo Caagadii Uu Shidaalka Ku Soo Qaatay Oo Hada Saldhiga Yaala Waxaana Uu Aad Ugu Mahadnaqay Laamaha Amaanka Oo Baadhid Ku Haya Cidii Falkani Ka Danbaysay .

Daawo Sawirada Gaadhiga La Gubay .

Exit mobile version