WAJAALE NEWS

Dawlada Somalia xaqiijisay dilka Sarkaal sare oo Mareykanka ku dilay duqeyn+magaca Sarkaalka .

Muqdisho-(Wajaalenews )-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay dilka Taliyihii Guutada Amniyaatka iyo Sirdoonka ee ururka Al-Shabab oo magaciisa lagu sheegay Cabdishakur Tahliil.

Hay’adda Sirdoonka Somalia ayaa warsaxaafeed ay soo saartay ku sheegtay in Madaxii Amniyaatka iyo sirdoonka al-shabaab lala dilay laba nin oo kale.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka ayaa lagu sheegay in Tahliil uu beddelay Sakariye Ismaaciil Xirsi oo dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay balse maanta Kenya ay si qasab ah ugu duulisay Nairobi.

Shalay ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka ay sheegtay inay duqayn ka gaysatay agagaarka magaalada Saakow ee Gobolka Jubbad Dhexe.

Aqalka Pentagon-ka ayaa sheegay in duqaynta lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabab, balse faah faahin intaa ka badan ma aysan bixin.

Sida ay sheegayaan dadka ka ag dhawaa goobta duqeynta ka dhacday in duqayntu lagu bartilmaameedsatay baabuur ay la socdeen saraakiishaasi, oo gebi ahaanba lagu burburiyey baabuurkii ay la socdeen.

Exit mobile version