WAJAALE NEWS

DAAWO;Madaxweynaha JSL MD AXmed Siilaanyo Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Safiir kuXigeenkii Boqortooyada Ingiriiska Ee Dalka Itoobiya

HARGEISA(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxmaed Silaanyo waxa uu Xafiiskiisa ku qaabiley xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis ababa Mr Chris Allan. Dalka u yimid sidii uu u sii macasalaamayn lahaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland ee uu muddada dheer la soo shaqaynaayey isaga oo loo la dalacsiiyey awgeed kana tegaya shaqadii safiir ku xigeenka,

Madaxweynaha oo Safiir ku xigeenka la qaatay shir saacado socday ayaa kula dardaarmay Mr ALLAN in uu hal;kaasi ka sii wado xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu la lahaa Somaliland laga bilaabo maantana uu yahay saaxiibka Somaliland ilna uu iska saaro sidii uu qadiyada Somaliland u barbartaagnaan lahaa.

Madaxweynaha oo Hadyado kala duwan gudoonsiiyey kuwaasi oo isugu jirta dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo Astaamaha aynu dhaqan ahaan u leenahay hidaha.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Biixi

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi

Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis

Xoghayaah gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali

Exit mobile version