Burco(Wajaale News)-kulankan oo ay isugu yimaadeen Wasiirka Daakhiliga ,Madaxada Sare ee shirkadaha shidaalka ka baadhaya degaamada Togdheer iyo Daadmadheedh,Maxamed Yuusuf iyo Ibraahin, Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Sanyare,maamulka gobolka, masuuliyiinta Booliska ,ayaa fooda isku daray dood kulul oo qaadatay wakhti dheer,taasoo xal loogu raadinayay khilaafka cakiran ee ka jira degaanka Sanyare ee dhinaca galbeed kaga beeegan magaalada burco ,oo bulshada degaankaasi ka horyimaadeen sahaminta shidaalka, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin inay helaan kaalinta degaankoodu ku leeyihiin hawlaha shidaalka ee la wado haday noqon lahayd dhinaca shaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada ee degaanka IWM,sidoo kale waxa bulshada degaankani ka cadhoodeen oo si adag uga hor yimaadeen markii ciidamo xoogan oo RRU-da iyo boolisku tageen degaankaasi,kuwaasoo loo arkay in lagu cabudhinayo bulshadaasi,siina cakiray arimihii
murunka ka taagnaa.
Wasiirka Daakhaliga Somaliland Md.Cali Maxamed WaranCade,oo markii uu shalay soo gaadhay Burco ,waxa uu markiiba u yeedhay inay soo galaan magaalada, madaxada shirkadaha Shidaalka ee ka wada gobolada Togdheer iyo Daad madheedh,kuwaasoo muhiimada loogu yeedhay ay la xidhiidhay sidii ay jawaabo uga bixi lahaayeen cabashada degaamada ka soo yeedhaya, ee ku saabsaan arimaha shidaalka.
kulankan oo saxaafadu dibada ka ahayd ,ayaa wararka xogogaalka ahi ay sheegayaan in su,aalo badan oo ku saabsan doorka ay ku yeelanayaan degaamada shidaalku marayo, lagu waydiiyay masuuliyiinta shirkadahaasi shidaalka,iyagoo jawaabo ka bixiyay,sidoo kale waxa wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka gobolku dhegaysteen cabashada odayaasha degaamada buuqu ka jiro.
kulan sadex geesoodka ah oo bilaabmay galinkii dambe ee jimacaha,waxa uu dhamaaday tobonkii habeenimo ee caawa, waxaana wararku sheegayaan in laysku af gartay in si isku mida shirkadaha shidaalku wax ugu wada qabtaan degaamada hawsha shidaalku ka socoto,bulshada degamaduna ay ilaaliyaan nabadgelyada,waxa kale oo laysla qaatay in maalinta berito si wada jir ah dhinacyada shirku dhex maray u wada baxaan degaanka Sanyare, oo la soo eego xaaladu sida ay tahay,madaama la sheegay in maleeshiyo beeleed xoogan oo ay ururuyeen beelaha wada degaankaasi ku sugan tahay halkaasi.
Madaxda shirkadaha baadhaya shidaalka ayaa wararku tibaaxayaan inay cago jiid ku aqbaleen in wax u qabashada degaamada sahaminta shidaalku marayo.
hadii go,aamada laysla qaatay ee wali dhinacyadu kulanku dhexmaray aanay si rasmi ah u shaacin,noqdaan kuwo la hirgaliyo ,waxay soo afjari doonaan muranka cakiran ee ka taagan degaanka Sanyare maalmihii u dambeeyay,hadii kale waxa arimuhu noqon doonaan sidoodii hore.
Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email:wajalenews@gmail.com