Mexico, (Wajaalenews):- Kumanaan beeralayda dalka Mexico ah ayaa mudaharaad ka sameeyay caasimadda dalkaas ee New Mexico, waxaanay beeralaydan oo wata cagaf cagafyadoodu kala xidheen jidadka waaweyn ee magaalada.
Beeralaydan oo isaga kala yimi afar iyo toban gobol oo dalkaas ka mid ah, waxa ay ka cabanayaan noloshooda oo hoos u dhacday iyo dawlada oo aan wax taageero ah siin, waxaanu dibad baxoodani noqonayaa kii ugu danbeeyay mudaharaadyo is daba joog ah oo ay ka dhigayeen caasimadda dalkaas muddooyinkii ugu danbeeyay.
http://youtu.be/LD9RzOfsFVI
Hargaysa Office
Wajaalenews
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane