WAJAALE NEWS

Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Habar-Cafaan Oo Sheegay In Nabada Gobolka Awdal Cidna Loo Daba Fadhiisanayn,Qaranimada Somalilanda Tahay Mid Lama Taabtaana.

BORAMA(Wajaalenews);Qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka Beelaha Habar-cafaan ee gobolka Awdal ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen kaga hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo kordhay gobolka Awdall iyo hadalkii ka soo yeedhay mid ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal ee ka dhanka ahaa qaranimada Somaliland.

Ugu horeyn waxaa shirkan jaraa’id ka hadlay Caaqil Axmed Diiriye waxa uuna yidhi.”Anagoo ka mid ah cuqaasha beelaha Habar-cafaan Baryahan danbe waxaa gobolka ka jirtay arimo khalkhal galinaya amniga Gobolka Awdal,Waxaanan cadaynaynaa ka beel ahaan aan ictiraafsanahay Somaliland,waxaanan sheegaynaa inaysan jirin ereyada sheegaya in qabiil amaa beel beel haysataa aysan jirin,Dawlada Somaliland waxaa laga dhisay Gobolka Awdal ilaa xad,Shalay aniga ayaa cuqaal ah oo madaxweyne ka ahaa,oo daraad madaxweyn ku xigeen ka ahaa oo maanta madaxweyn ku xigeen ka ah oo aan anigu gacantayda ku dhisay waa nusqaan inaan nidhaahno qabiilbaa na haysta waxaanan leenahay qabiil qabiil haystaa ma jirto.

Caaqilku isaga oo sii hadlayana waxa uu yidhi”Hadii Saami iyo wax tabasho jirto beelaha gadabuursi waxa ay u xilsaarteen Suldaano kana dhursugayaan,waxaanan leenahay hadalo meelahaas la tuurtuurayo waxaan ogolnahay maaha amni darana ma ogolin.

Sidoo kale waxaa isna halkaas hadalka qaatay Caaqil Cabdi C/laahi Waxa uuna Yidhi”Marka hore waxaan salaamaynaa anaga oo ah cuqaashii beelaha habarcafaan madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka Somaliland marka xiga waxaan leenahay gobolka Awdal uma baahna ,Carqalad,dhibaato iyo khalkhalin uma baahna Mana ogolin,cid na haysataa oo gobolkayaga haystaa iyo dadnimadayada ma jirto waxaanan leehaya gobolkani mudnaan ayuu ka leeyahay Somaliland ,waa hooyadii Somaliland ee lagu dhisay xuquuq wixii ka maqan wax hada naga maqan maahee waa wax horey nooga maqnaa Marka xaqiiqada laga hadlo waxaana dooni doona cidii ay khusayso Gadabuursina wuu ka sugayaa salaadiintaa laga sugayaa waxay ka sugayaan madaxtooyada carqalad iyo waysaan iyo dhibaato Ma ogolin,ciidamada amniga iyaga ayaa dalka amaan u ah anaguna iyaga ayaan dabafadhinaa waanan ogolnahay in wixii carqalad ah inay ka eegaan iyaga ayaa xaq u leh waa lana haystaa odhan mayno xor ayaan nahay waan simanahay qabiilna ma nihi waxaanan nahay dawlad Somaliland la yidhaahdo oo aanu ogolnahay una diyaarnahay ilaa haatan.

Gabogabadii Shirkan Jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay Caaqil Faarax Xaaji Boqore,Caaqil Aadam Maxamuud Ismaaciil”Aadam Danno”,Caaqil Ibraahim Qalinle Bookh,Caaqil Iimaan Miisaan Jaamac Iyo Caaqil Axmed Baaruud waxa ayna dhamaantood sheegeen in nabadgalyada iyo qaranimadu tahay mid qaaliya oo lama taabtaana cidii wax u dhintana ay xukuumada u dabafadhiyaan kuna garab taagan yihiin wax ka qabashadeeda.

 

Exit mobile version