WAJAALE NEWS

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Oo Loo Magacaabay Ra’iisul Waasaraha Cusub Ee Somalia

MUQDISHO(Wajaalenews) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor-dhaywd u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ku dhawaaqayay ra’iisul wasaaraha sheegay inuu u doortay inuu xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabo Cumar C/rashiid oo uu sheegay in uu ka rajeynayo inuu soo dhiso xukuumad sii wadi karta howlaha horyaalla dowladda.

Magacaabiddan ayaa imaanaysa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay in loo magacaabi doono xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo ra’iisul wasaare kasoo noqday Somalia intii ay jireen dowladdii KMG-ka ahayd intii u dhexeysay sannadihii 2009-kii – 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhex-galay isaga iyo madaxweynihii xilka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sharma’arke ayaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Somalia si codka kalsoonida loo siiyo, markaasoo uu soo dhisi xukuumad cusub, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii sadexaad ee uu magacaabo Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo dhashay sannadkii 1960-kii ayaa ah 54-jir ayaa haysta dhalashada dalka Canada. Wuxuuna cilmiyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa.

Exit mobile version