WAJAALE NEWS

AFhayeenka Madaxtoyada Oo Xukuumada Ka Difaacay Eedo Ay Usoo Jeediyeen Mucaaridku“Kuwii Ku Fashilmay Xilalkii Uu Madaxwaynuhu U Dhiibay , Ayaa Maantana Doonaya Inay Xisbi Fashilmay….”

Hargeisa(Wajaalenews– Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka jawaabtey eedaymo iyo dhaliilo ka soo yeedhay xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaasi oo meel kaga dhacayey sharafta Madaxwaynaha oo ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee qaranka Somaliland leeyahay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda uu wakhtigan dalku marayo iyo horumarka dhinacyada badan leh ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo hirgelisay Mudadii afarta sanadood ee dalka hoggaaminaysay.

Afhayeenka oo ugu horeyn ka hadlaya xaaladda ayaa yidhi “Dalka waxa ka socda horumar, qof kasta oo shacabka reer Somaliland ah oo damiir wanaagsan oo muwaadin ah oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba joogaa way ku farxayaan horumarka xukuumaddani samaysay. Dalku wakhti fiican ayuu marayaa, waxaana mahad leh Madaxwayne Siilaanyo oo dalkan u dhigay hoggaamin siyaasadeed oo hiigsigeedu yahay in himilada qarankani leeyahay la gaadho”

Afhayeenku wuxuu sheegay in waxqabadka xukuumaddu ku sallaysan yahay barnaamijka siyaasadeed ee Madaxweynuhu u jeexay “Waa barnaamij siyaasadeed oo ku sallaysan in baahiyaha dalka wax laga qabto, waa barnaamij siyaasadeed oo sallaysan in siyaasadda dibadda la kobciyo, waa barnaamij ku sallaysan in danyarta dalkeena mustaqbalkooda laga shaqeeyo, barnaamijkaana waataa midho dhalkiisa maalin walba la arkayo, waad ogtihiin inta wufuud ah ee maalin walba dalkeena imanaysa, wufuudda caalamka ka imanaysaa iskama imanayaan ee waxay yimaaddeen markay arkeen dalkan hore u socodkiisa, waadigaa arkaya horumarka dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, siyaasadda arrimaha dibadda iyo gunti giijiska dhaqaalaha iyo Miisaaniyaddu halka ay mareyso” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay ku xanuunsanayaan horumarka indhahoodu arkayaan “Waxa jira kuwo tallaabo kasta oo la qaadaa gubeyso, kuwo tallaabo kasta oo la qaadaa ku noqonayso cudur ayaa dalkeenna ka buuxa, waa kuwaa cadceeddii soo baxdaba Madaxwaynaha qaranka ku caayaya muxuu wax u qabtey, waa kuwaa cadceedii soo baxdaba ku caayaya waxqabadkiisa, waxaanu leenahay Madaxwayne Siilaanyo inta uu Maalin kaliya qaranka u qabtay, una qaban doono kuwaasi hadday isku wada tagaan weligood ma qaban karaan”

Afhayeenka Madaxtooyada oo u duur-xulaya siyaasiyiintii xukuumadda ka mid ahaan jiray, hasa-yeeshee ku biiray WADDANI, ayaa sheegay “Kuwaasi, waa kuwii Naaneysaha iyo baraha Madow shacabka dhexdiisa ku lahaa, waa kuwii ku fashilmay ee wadi kari waayay xilalkii uu Madaxwaynuhu u dhiibay, kuwaas ayaa maantana doonaya inay xisbi fashilmay u soo hagoogtaan oo ay dadka iyo dalka la hor-yimaaddaan, aad baanu uga xunnahay. Shacabka reer Somaliland way ogsoon yihiin in kuwaasi ay yihiin wax ma tarayaal aan barnaamij siyaasadeed u soo bandhigi Karin shacabka, kuwo hadaf iyo meel ay u socdaan aanay jirin . Kuwani ma oga in laga caagey, maalin walba marka ay Maqaaxiyaha fadhiyaan waxa lagu yidhaahdaa cayda iska daaya oo haddaad barnaamij haysaan ummada u soo bandhiga, laakiin cay ayay kaga dhagtey oo caydaa ayay wadayaan, xukuumadduna waxqabad ayay wadeysaa, taasaa shacabku ku qiimaynayaa oo dadku ku kala dooranayaan”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu shacabka ka raali-geliyey hadallada deel-qaafka ah ee ka soo yeedha Mucaaradka “Shacabka dibadda waxaanu ka raali-gelinaynaa hadallada xun ee ay maalin walba u geynayaan ee iyaguna moodaya in dalkeenna ay wax ka dhacayaan, way ugu talo-galayaan inay dalkeena wax ka dhacaan (Mucaaradku), laakiin in kooban oo maalin walba intay afar bas dad ku qaadaan meel geeya dadka iyo dalka waxba u dhimi maayaan”

Afhayeenku wuxuu xisbiga WADDANI ku eedeeyay ku dhaqanka qabyaaladda “Qabyaaladdaa aan qiilka loo hayn ee ay wadhfinayaan (Waxba tari mayso), dalkani dimuqraadiyad ayuu gaadhay, dalkani xisbiyo ayuu ku dhisan, qofkii doonaya inuu tartamo si wanaagsan barnaamijkiisa ha ugu sheegto, laakiin xisbiga WADDANI qabiil iyo caytan ku gaadhi maayo meel” ayuu sheegay afhayeenku, waxaanu intaasi sii raaciyey isaga oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay badhasaabkii hore ee Togdheer, Mr Xamarji “Qofna afkiisa lagama xaal siiyo, qofku haddii aanu tudhaale lahayn oo aanu naftiisa u tudhayn oo uu horeba u fashilmay oo aanu rejo qabin erayada afkiisa ka soo baxaya ma qiimeyn karayo. Madaxwayne ma jiro ee Madaxtooyo ayuun baa jirta, waar Madaxwaynuhu wuxuu ka mid yahay astaamaha qaranka, dastuurku wuxuu ka mid yahay astaamaha qaranka ee lama tab-taanka ah. Waxay ka xun yihiin markii Madaxwaynuhu furayey wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, waxay ka xun yihiin markii Madaxwaynuhu furayey baankii (Dahabshiil), waxay ka xun yihiin markuu furayey xarunta agoomaha. Markaa shacabka reer Somaliland ma indhaha ayay ka xidhayaan, miyey ina odhanayaan Madaxwaynihii furayey ee ka hadlayey isaga muu ahayn, ma caqliga ummada ayay caayayaan, ma waxay odhanayaan ummaday waxba arki maysaan ee annaga fashilley baa wax arkayna”

Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu farriin u diray Guddoomiyaha WADDANI “Waxaanu leenahay Guddoomiyaha WADDANI ee maalin walba la leeyahay kaalay na dhageyso aanu caytannee, waxaad tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka , waxaad tahay Guddoomiye xisbi doonaya inuu dalkan mustaqbalkiisa hiigsado, inkastoo hiigsigaa iyo meesha loo socdo midna aanad u qalmin, haddana waxaad maalin walba ku raaxeysanaysaa cayda iyo beenta lagaa ag leeyahay, waxaanu leenahay Guddoomiyaha waxaad doonayso iyo halka aad socotaa aad bay u kala fog yihiin, waayo waa xisbi isku bahaystay qabyaalad, waa xisbi inta uu xaafadaha soo dhex maro doonaya inuu ummadan qabyaalad u sheegto. Somaliland way dhaaftay qabyaalad ee haddaad wax isla haysaan diyaar garooba oo cayda iska daaya oo Madaxwaynaha iyo Madaxtooyada Qaranka ka xishooda, laakiin qof fashilmay ma xishooda” “Waxaanu u taaganahay inaanu difaacno ummaddaa sharafta leh wixii loo qabtay, waxaanu difaaceynaa waxa Madaxwaynuhu u qabtay Qarankan, beenna ma sheegayno oo waa waxaa cad ee ummaddu wada arkayso”

Ugu dambeyn, Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu ka hadlay dhallinyaro rabshado ka sameeyay xaflad uu xisbiga WADDANI ku qabsanayey huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa, waxaanu afhayeenku sheegay in xisbiga WADDANI masuul ka ahaa rabshadaha halkaasi ka dhacay “Carruur ay yidhaahdeen kaalaya xafladda noo buuxiya oo ay lacag kula soo ballamaan, ayay markii dambe lacagtii kaga murmeen (Qolada WADDANI), arrintaas ayaa rabshadaha saldhig u ahayd” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Waanu ka xunnahay inay arrimo noocaas ah ummada ula yimaaddaan oo ay dalkan rabshado iyo khalkhal geliyaan”

 

Exit mobile version