WAJAALE NEWS

“XUKUUMADDU WAXAY QABATAY INDHIHII CAAFIMAAD QABA WAY ARKAYAAN, RER GABILEYNA KULMIYE AYAY TAGEERSAN YIHIIN”. WASIIRKA WERSHADAHA SOMALILAND .

abiib-timacadWasiirka Wasaarada warshadaha Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacade) ayaa ka difaacay xukuumadda Somaliland eedaha ay mucaaridku usoo jeediyeen sidoo kalena waxa uu ka hadlay waxqabadka xukuumadda iyo calankii kulmiye ee lagu gubay gobolka Gabiley. Wasiirka ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xaalada dalka somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa Runtii Inta uu xilka hayay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Xukuumadii ka horaysayna waad ogaydeen waxa ay dalka ka fulaysay waxaana ay isku yihiin Cir Iyo dhul,Markii Xisbiga Kulmiye u tartamayay Madaxtinimada dalka balan ayuu ka qaaday dhamaana wuu fuliyay,Waxaana ka mid ah Darajada ciidamada,Waxbarashada dugsiyada hoose,Wadooyinka iyo wax badan oon halkan lagu soo koobi Karin,indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan kuwa kalena Runtii Ma arkayaan.

Wasiirka wasaarada Warashadaha jamuuriyada somaliland Abiib Diiriye Nuur Oo Hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray”

“Maalin dhawaydna waad ogaydeen Nin ayaa yidhi dalka amisom hatimaado taasna macnaheedu waxa weeyaan dawladi dalka kamajirto arinkaasna Shacabka ayaa ka garsooray inuu Gaf ka galay qaranka Xildhibaankaasi, Waxaan anigu hadalka mucaaradka ku tilmaami lahaa dameer meel arad ah daaqaya oo Inta uu bur Gooso is yidhi Malagii Nafta ka qaadayay kaga soo baxay oo ku yidhi Wax codso,Markaa ayaa uu yidhi Cawskaas fiican ee halkan ka baxay yaanu aniga iga danbayn,Hadalka mucaaradkuna waa sidaas.

waxa uu ka hadlay wasiirku shacabka gabilay oo xukuumada kulmiye kalsoonidii kala noqday isla markaasna gubay calankii xisbiga kulmiye astaanta u ahaa waxaana uu yidhi”

“Calankan ay gubeen Reer gabiilay ee ay kabahana ku masaxdeen lugo ayay ahayeen ee marag ayaad aragteen,Afar inan ayaa laleexiyay oo arinkan Foosha xun loo dhiibay,Arinkaasina wax sax ah maaha waxa uu ahaa wax foojari ah oo la sameeyey,Dhalinyarada gobolku caaqiladu iyo dadka waawayniba waxa ay tageersan yihiin waa kulmiye” ayaa hadalkiisa ka mid ah wasiir Timacad.

Exit mobile version