WAJAALE NEWS

Xubnihii Ururka Dhalinyarada JIIDALI Ee xukuumadu Habeen Hore xabsiga dhigtay Oo Caawa Lagala Baxay Saldhigii ay ku xidhnaayeen

Hargeysa(Wajaalenews)Waxa caawa saldhiga Ibraahin Kood-buur ee magaaladda Hargeysa lagala baxay xubnihii ururka dhalinyarada Jiidali ee ku xidhnaa saldhigaas tan iyo habeenimadii dhaweyd ee Khamiistu soo galaysay markaas oo xukuumadu ay usoo adeegsatay ciidamo boliis ah oo saddexdan xubnood ka kaxaystay xaflad uu ururka Jiidali ku qabanayay hotel-ka Crown ee Hargeysa.

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in xubnahan la geeyay saldhiga Iftin ee Koonfurta magaaladda Hargeysa balse Lama garanayo ilaa imika sababta keentay xubnahan ku xidhnaa saldhiga Kood-buur in lagala baxo islamarkaana lageeyo meel aan la ogayn,saddexda xubnood ee xidhan ayaa kala ahaa afhayeenka ururka Jiidali iyo xighayihii ururkaas iyo waliba mid kale oo aan xil ka hayn ururkaas balse ahaa taageere ururka.

Waxa isna muddo toddobaad ah ka horeeyay xadhiga saddexdan xubnood guddoomiyahii ururkaas oo isagana ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay,halkaas oo sida saddexdan maxbuus loo gala baxay saldhiga isna looga saaray habeen saldhigii uu ku xidhnaa,taas oo markii dambe laga war helay in guriga ay degan tahay wasiirada waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan la geeyay,islamarkaana la garan waayay sababta keentay arrintaas.

Dhalinyaradan xidh-xidhan ayaa tiradoodu ay dhan tahay Affar xubnood oo dhammaantood ka tirsan ururka dhalinyarad beesha Subeer Awa lee Jiidali,waxaana muddooyinkii u dambeeyay dareen shaki leh ka muujisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo u aragtay ururkan mid kasoo horjeeda danaheeda iyadoo ilaa imika aanay xukuumadu keenin dambiga ay galeen dhalinyaradan ururka samaystay islamarkaana aan wax maxkamad ah oo dambiga ay galeen lagu dhageysto la keenin ilamaa urur beeleed ay samayeen mooyaane

Sikastaba ha ahaatee Ururkan ay ku bahaysan yihiin dhalinyarada Beesha Subeer Awal ee Jiidali ayaa waxa la aas-aasay xiligii ay xaraarada siyaasadeed ee xisbul-xaakimku istaadhantay ee labada garab u kala qeybiyay xisbiga hogaanka dalka haya waxaana ay dhalinyaradan ururka Jiidali dhaqdhaqaaq xaga dhalinyarada beesha ah ka bilaabeen dalka iyagoo qaban jiray xaflado ay kusoo bandhigayeen dhaliilaha xukuumadda Siilaanyo oo ay ugu doodi jireen

 

Exit mobile version