WAJAALE NEWS

Xubin Miisaan Culus Ku Dhex Lahayd Xisbiga Ucid Oo Xilkii Iska Casishay iyo Sababta ay Cuskatay.

Hargeysa:(Wajaalenews)-Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ahayd Xogyahayihii Maaliyadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa xilkii ay xisbigaas ka haysay sheegtay inay iska casishay.

faadumo siciidMarwada ayaa qoraal ay arrintan ku caddaynayso xalay soo saartay, waxana ay si cad u sheegtay inay xilkaas uga tagtay sabab ay ku sheegtay duruufo xisbiga dhexdiisa ka jira, balse wax faahfaahin ah ma ay bixin.

Warsaxaafadeedka ay Faadumo Siciid iscasilaadeeda ku shaacisay ayaa u dhignaa sidatan:

“Waxaan halkan idiinku lifaaqaya anigu ah Faadumo Sicid Ibraahim inaan xilkii aan ka hayey Xisbiga UCID oo laga bilaabo 20/11/2014 iska casilay, sababo la xidhidha durufo ka dhex jira Xisbiga oo aan shaqaadi aanan awgood u sii wadi karin.Wa Billaahi Tawfiiq.”

 

Exit mobile version