WAJAALE NEWS

Warar Cusub Oo Kasoo Kordhay Nolosha Carmalidii Caddayd Ee Aadka Loo Raadinayey.

Lohandwesky:(Wajaalenews)-Majalad kasoo Baxda Dalka Ruushka ayaa Baahisay warar sheegaya inay Haweenaydii Dalka Britain dhalatay ee Samantha Lewthwaite oo loo yaqaanay (Carmaladii Cadeyd), ay ku dhimatay Dagaallada dalka Ukrain ka socda.

Carmali Samantha Lewthwaite oo 30-jir ah ayaa waxaa toogtay shiishyahan u dhashay Ruushka laba todobaad ka hor, iyadoo warbaahinta caalamka ay aad u hadal hayaan arrintan.

Ms Samantha ayaa la sheegay in bil ka hor ay ku biirtay Xoogaga ISIS ee ku sugan Suuriya, iyadoo ka bar bar dagaalameysay.

Haweeneydan ayaa dhowr jeer la sheegay inay sugan tahay Soomaaliya, iyadoo ka tirsaneyd Al-Shabaab, balse sheegashadaas oo dhan ma jirin cadeymo rasmi ah oo muujinayay ka mid ahaanshaheeda Al-Shabaab iyo joogitaankeeda Soomaaliya.

Balse Sirdoonada Britain iyo Kenya ayaa hore u shaaciyay in haweeneydan ay kaalin ku laheyd weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga ee Westgate sanadkii hore, waxaa ay hore ugu safartay dalal afrikaan ah sida Koofur Afrika oo ay ka qaadatay baasaboor.

Lewthwaite ayaa waxaa guursaday Germain Lindsay oo ahaa ninkii isku qarxiyay boosteejada tareenada magaalada London ee sanadkii 2005-tii, waxaana la sheegay inay Britain ka tagtay sanadkii 2009-kii.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version