WAJAALE NEWS

Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Ethiopia Oo Duulimaadyo Shaki Abuuray Ku Dul Haadaysa Deegaanka Xariirad

khilaaf ba?an oo u dhaxeeya laba beelood oo deegaankaas wada dega, halka marar hore Dawladda Itoobiya iyo Somalilandba ay kula wada

Hargeysa (WJN) – Tan iyo shalay  subaxnimadii hore  waxa degaanka Xariirad Ee Galbeedka Magaalada Borame laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay samaynayaan 2 diyaardood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter-ta kuwaas oo ka soo kacaya dhinaca kale ee xadka ee Dalka Itoobiya.

 

 

 

 

 

 

hexeeya Itoobiya Iyo Somaliland.

Tan iyo  shalay galinkii dambe ayay diyaaradahani ku sugan yihiin isla goobtii ay ku dageen ee buurta Lama-degaanka ee xadka ku taala.

 Xarriirad waa magaalo Xadku kala qaybiyo oo dhinacna Dawladda Itoobiya leedahay dhanka kalena Somaliland, waxaana ku soo noq noqday khilaaf ba?an oo u dhaxeeya laba beelood oo deegaankaas wada dega, halka marar hore Dawladda Itoobiya iyo Somalilandba ay kula wada dagaalameen Koox ka tirsanayd jabhada Mucaaradka ku ah Itoobiya ee ONLF, taasoo ka soo degtay Xeebaha Somaliland. 

Diyaaradda Helikabtarta ah ayaa degtay meel buur ah oo u muuqata magaaladda, waxaanay dadweynuhu ka bixiyeen aragtiyo kala duwan, balse ilaa hada ma cada Ujeedada rasmiga ah. Dawladda Itoobiya ayaa aad u sugta Amaanka Xuduudaha, waxaanay mar walba ka hor tagtaa in ay kaga timaado shaqaaqooyin, waxaana imika ka aloosan deegaankaas is faham waa u dhaxeeya labada beelood, kaasoo ay u fadhiyaan xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida, kuwaas oo wali sabaalaynaya Odayaasha Gendaha beesha Ciise oo ka cadhooday Talaabo Madaxweyne Siilaanyo ku sii daayay rag u xidh xidhnaa Dil laga galay beeshooda.

Wajaale News Desk

Hargeisa Office

Exit mobile version