WAJAALE NEWS

War Dag-Dag ah: Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Wariyayaal Lagu Xidhay Hargaysa.

BREAKING NEWSargaysa(Wajaalenews) waxaa goordhawayd xarunta CID- da lagu xidhay wariye Cabdiraxiin Mawliid Cismaan oo kahwlgala Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, Xildhibaan Ibraahim Mahdi (Buubaa) , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan  Maxamed Saalax oo katirsan golaha wakiilada Somaliland, sida uu nooxaqiijiyay wariye Cabdiraxiin Mawliid oo aan khadka telifoonka gacanta oo uu watay ay usooro gashay inuu lasoo xidhiidho qaar kamida warbahinta madaxa banaan.

Xildhibaanadan la xidhay ayaa dhamaantood ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Dhinaca kale waxa  ay waraku sheegayaan in wariyayal  kale lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Haragaysa.

Xadhiga saxafiyiinta iyo xildhibaanadan ayaa kadanbeeyay markii saaka golaha wakiilada lakeenay mooshin xilka laga qaadayo gudoomiyaha golaha wakiilada
Somaliland Cabdiraxmaan Ciro iyadoo sidoo kalana labadalay ciidankii ilaalinjiray Golaha wakiilada.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version