WAJAALE NEWS

Qaadhaan bixiyeyaasha Iyo Masuuliyiinta Soomaaliya Oo Magaalada Muqdisho Kulan ku Yeeshay.

MUQDISHO(Wajaalenews);Kulan deeq bixiyayaasha iyo dowladda Soomaaliya oo ka horeeya shirka Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Copenhagen ee Denmark toddobaadka danbe ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay wakiilo ka socda deeqbixiyayaasha, diblomaasiyiin, dowladda Soomaaliya, maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubaland.

Waxaa lagaga hadlay wadashaqaynta dowlada iyo Deeqbixiyayaasha. Madaxweynaha ayaa sheegay in Bangiga adduunka uu kala shaqaynayo dowladda sidii loo dhisi lahaa hayadaha maaliyada iyo lacagaha

 

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version