WAJAALE NEWS

Muuse Biixi Muxuu ka yidhi Khilaafka Wakiilada iyo Rabshadaha ka dhashay Fadhigii shalay?

Hargeysa, (Wajaalenews)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay dhacdo caadi ah oo adduun-weynaha looga siman yahay buuqa iyo murannada sharci ee Goleyaasha baarlamaannada ka dhashay, haseyeeshee waxa uu dhacdadii shalay golaha Wakiillada Somaliland ku tilmaamay mid xaasaasiyad halis ah oo aan loo baahnayn ka abuurtay dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Xisbul-xaakim ahaan diyaar u yihiin wada-hadal laga dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira, isla markaana aan laga dhigin arrin siyaasadeed oo saamayn ku yeelata dalka maadaama oo ay tahay arrin sharci oo ku kooban Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga shalay, waxa uu tilmaamay in khilaaf iyo is-afgaran-waa lagu kala aragti duwanaada ay tahay wax caadi ah, balse xal iyo dawada khilaaf kasta oo jira laga gaadhi karo ay guushu ku jirto. Waxaanu yidhi, “Maanta (shalay ) buuq baa ka dhacay fadhigii golaha wakiilada, adduunkoo dhan waa caadi in baarlamaanada buuq uu ka dhaco, waayo danaha dalka ayaa lagu gorfaynayaa oo aragtiyo kala duwan ayaa yimaada, laakiin guushu waxay ku jirtaa sida loo maareeyo ee loo xakameeyo buuqa, dadka aqoonta leh ee bisaylka siyaasadeed leh waa dadka murankooda iyo dooddooda ku dhameysta wada hadal iyada oo aanu murankoodu xadka ka bixin. Shalay khilaaf xoogan baa ka dhacay golaha wakiilada, dalkoo dhana waxa gashay waxoogay xasaasiyad ah iyo buuq xisbiyeysan oo mucaarid iyo muxaafid ah”.

Muuse biixi oo ka ka talo-bixin ka dhiibanayey khilaafka Golaha wakiilada, waxa uu yidhi, “Marka hore waxaan ku talinayaa in la damiyo xiisada, waxaanan ku baaqayaa in lagu soo celiyo wada hadal, haddii aanu xisbul xaakimka nahay waxaanu ku baaqaynaa nabad iyo wada-hadal, arrintana markii hore waxaanu kaga jirnay kaalin deganaansho leh oo odaytinimo ah oo cid walba is qancin iyo wada-hadal ku dhameeyno, waxaanu doonayaa inaan umadda u cadeeyo in arrintani ay ku kooban tahay golaha wakiilada, waa dhab oo waxa ina haya uumigii doorashada, waxaana soo dhaw oo soo socda doorashooyinkii waana caadi inay yeeshaan ruxankooda iyo hawshooda.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii aanu nahay saddexda xisbi qaran waxaanu heshiis ku galnay oo madaxweynuhuna warqad ku saxeexay in doorashooyinka la qabto waqtigoodii, mar hadaynu isla ogolnahay in doorashada la qabto, oo qodobadii la yidhi hala beddelo la badalay oo ay arrintii ku soo ururtay golaha wakiilada waxay ila tahay inaan arrinta cid kale loo gudbin ee aynu u dayno baarlamaanka, sharcigii iyaga ayaa haya oo leh ansixintiisa, gudigii doorashooyinkana iyaga ayaa haya, waxaynu jecelnahay dhamaanteen in baarlamanku is af garto oo arrintu si nabad galyo ah inoogu dhamaato.”

Sidoo kale, waxa uu Muuse Biixi ka hadlay Rabashado shalay ka dhacay magaalooyinka dalka qaarkood, waxaanu yidhi, “Rabshadaha magaalooyinka Somaliland qaarkood ka dhacay shalay inay ahaayeen waxaan loo baahnayn, umana baahnin inay magaaloba ka timaado rabshad iyo mudaharaad inaga oo waxeena afgarasho ku dhameyn karayna, inaga oo aan dhibaato dhexdeena u geysan.”

Exit mobile version