‘Imika Shirkan Baxrasaafka Xukuumaddu si Adag ayay uga Hortimid ilaa Heer Ay diiday in la Qabto. waxana loo fahmay ama loo fasiray Reeraha kale Waa la ogol yahay Inay Shiraan Lakiin Ciise Muuse
Dawladdu Uma Ogola Inay Shiraan!!! CALI GURAY
Dab haduu wax tarayana
Dogobyaa la saaraa
Deegaanka nabadiyo
Haduu degelka gubayana
Dambas lagu hagoogyaa
Doox lagu faruuryaa
In la demiyo weeyaan
Marka aynu dib ugu noqon taariikhda shirarkii reeraha ee ka dhacay
Somaliland tiro ahaan lama koobi karo. Welina lama hayo reer shiray oo
go’aankoodu noqday xumaan ay isku soo raaceen. Hadii ay jiraan kuwo si
gaar ah farta loogu godi karo waxay noqon karaa xilyadii adkaa ee
dagaalada sokeeye dawladnimaduna ay bilawga ahayd xataa Ciidamo amni
qaranba aanay jirin. Intii ka dambaysay 1997kii intii shirar ay reero
qabsadeen waxa ka soo baxaa waxad moodaysay in aanay waxba ku kala
duwanayn. Xataa dhinaca siyaasadda ma jiro shir reer oo talo ay ka
midaysan yihiin reerku ka soo saara ama ha sheegaan ama ha qarsadaan
eh marka laga reebo Shirkii Gar adag iyo ardaayo Musharax Baarlaman ama
Gole Degaan isku soo raaca oo ku kala reeba shir doceed ay yeesheen.
Imika Shirkan Baxrasaafka xukuumaddu si adag ayay uga hortimi ilaa
heer ay diiday in la qabto. Sheekada suuqa waxa loo fahmay ama loo
fasiray reeraha kale waa la ogol yahay inay shiraan lakiin Ciise Muuse
dawladdu uma ogola inay shiraan. Taas ayaad moodaa inay xamaasad
dheeraad ah iyo ficil sii kordhisay sua’aashu waa waayo? Jawaabtu ma
adka oo waxaynu ku soo duuduubi karnaa XAALADDA BERBERA ee kacsan.
Weliba in kasta oo arimo kale ay jiraan waxa ugu wayn arinka Mashruuca
Dekedda Berbera ee DP World oo aynu ognahay ugu dambaysta in
go’aankeeda aan reer yeelan karin ee dawladdu leedahay iyada oo inta
badan shacbiga iyo gaar ahaan dadka degaankaba ay tahay inay fahamaan
ama la fahamsiiyo ahmiyadda Mashruucan u leeyahay Somaliland si
shakigu meesha uga baxo.
Marka aynu sidaa ognahay hadii uu qabsoomo Shirka Baxrasaafku go’aan
arinka Mashruuca Dekedda ku saabsan oo reerka oo dhami isku raaci
karaan taageero iyo diidmaba kama soo bixi karo waayo dee reerku waa
sida reeraha uun waxay xaq u leeyihiin iyo waxa aanay xaqa u lahayn
hadii aanay wada garanayn in badan oo garanaysa ayaa jirta. Midda kale
ma jiraan dhinaca siyaasadda iyo danaha gaarka ah reer kuligood ka
midaysan ee waxay leeyihiin muxaafid iyo mucaaridba. Hadii ay dhac cid
isku dayda inay teeda gaarka marsato markaana Go’aanka Shirku ma noqon
karo mid keliya ee waxa dhici karta in laba go’aan laga soo kala
saaro.
Sidaa daraadeed anigu si ay xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad
galaan Xukuumadda waxan kula talin lahaa u ogolaada reerka yidhi
waanu shiraynaa shaqadiinana dee qabsada idinka ayaaba dawlad ahe
QALINKII; Muj cali guray