Hargeisa(Wajaalenews);Kulan ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa gudniinka fircooniga iyo guurka hablaha kahor wakhtiga qaan-gaadhka oo ka dhacay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeisa, taasoo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada.
kulan-hawleedkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Geeska,(IHU) ganacana ka gaysteen hayadaha UNICEF IYO UNFPA ayaa si rasmi ah uga furmay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeisa, kulankaas oo hal maalin socday ayaa waxa si weyn loo lafo guray sidii looga gudbi lahaa waxyaabaha xad-gudubka ah ee lagula kaco hablaha Somalida, sida gudniinka iyo iyo guurka gabdhaha ka soo hormara xilliga qaan-gaadhka.
Ugu horreyn, marwada koowaad ee Qaranka Somalliland Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-Waris), ayaa ka hadashay xafladdii furitaanka kulan-hawleedka, kadib mahadnaq ay u jeedisay qaybihii bulshada ee ka qaybgalay kulankaas, ururadda caalamiga ah iyo gaar ahaan Jaamacadda Geeska oo ay si weyn ugu mahadnaqday qabanqaabadda kulanada noocan oo kale ah.
Marwo Aamina, ayaa bulshada ku dhaqanta guddniinka iyo xad-gudubyadda kale ee dumarka lagula kaco ugu baaqday in gebi ahaanba dhinac looga isataago sidii loo baabi’iin lahaa ama loo dabarjari lahaa ku dhaqanka caadada muddada dheer soo socotay, waxaanay hoosta ka xarriiqday in dadka ku shaqeysta ee gudda gabdhaha aan si degdeg ah loo odhan karin ha la xidhxidho ama ha la sameeyo sharciga oggolaanaya in qofkasta oo hawshaas ku jira xabsiga loo taxaabo, balse waxay intaas raacisay in muhiimadda koowaad ay tahay sidii wacyigelin badan loogu samayn lahaa bulshada si mustaqbalka fog loo gaadho ujeedada laga leeyahay dabarjarista dhaqankaas la caadaystay.
Sidoo kale, Wasiir-ku-Xigeenka Shaqadda iyo Arrimahha Bulshada Qaranka Somaliland Shukri Xarriir Ismaaciil, ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dhinacyadda badan ee guddniinka fircoonigu uu u leeyahay bulshada, iyadoo intaas raacisay in saamaynta kaga soo noqonaysa bulshado ay tahay mid jaho-wareer ku keentay bulshada, sidaas daraadeed loo baahan yahay in wacyi-gelin ballaadhan lagu sameeyo bulshada, maadaama aanay diinteenu ina farayn, isla markaana si fiican loo wada garanayo dhibaatada caafimaad, bulsho, wada noolaanshaha qoyska iyo dhinaca tarankaba, waxbarashada iyo dhaqaallahaba ay ka hor imanayso.
waxaa iyaguna hadalo ka jeediyay masuul ka socotay haayada unicef oo ku dheeraatay khatar uu leyahay gudniinku iyo guurka degdega ah
Ugu dambayn, waxa khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye X Ibraahim, waxaanu si weyn uga hadlay saamaynta tabban ee uu leeyahay arrinka gudniinka fircooniga oo uu ku sheegay in habka kaliya ee loo dabarjari karo dhaqankan uu yahay in la sameeyo kulano farabadan oo lagu qabto goobaha waxbarashada, iyadoo uu hoosta ka xarriiqay in bulshado aaminsan tahay fikir kale oo ah in dawladdaha reer Galbeedku ay wataan qorshahan, taasina ay keentay in cidkasta oo ku tallaabsata wacyigelinta dabargoynta gudniinka fircooniga ay dhibaatooyin kala kulmaan bulshada oo gebi ahaanba aan dhego u yeelan farriinta loo gudbinayo, waxaanu hadalkiisii ku soo gunnaanaday in culimadda adduunka ugu waaweyn ay gebi ahaanba si weyn uga soo horjeedaan caadaysiga dhaqanka gudniinka hablaha, Sheekh Almis ayaa ugu dambayn farta ku fiiqay in wax ka qabashada arrinkan looga baahan yahay in loo wada dhannaado, hadday tahay culimada, ardayda, dhakhaatiirta iyo qaybaha kale ee bulshadaba si loo gaadho ujeedada. hadaf midaysan