WAJAALE NEWS

Ma Faqash Baa Somaliland Weli Katalisa?.

Hadaba Faqash Intii ay Somali u talinaysay oo ahaa mudo 21 sano ah ma maqashey taariikhda ama ma aragteyba arimahan hoos ku koran

Anigu su’aashaa haya iyo maya midna kaga jawaabayo ee bal dadka wadanka u dhashey ka is waa diiyaan Jawaabta codna saxafada xorta ahi ha geliso.

Faqash waa naa neys loo bixiyey xukunkii keli taliskaa haa ee maxamed siyaad bare bilowgii 80 aadkii wakhtigii halganka qadhaadhi ka dhex socday xoogagii xaqa iyo kuwii dulmiga ee somaliya. Waxaa jira magac naaneys ah oo xisbiga conservative ka ee UK loo yaqaan oo ah Tories,waxaa kuu ahaa magac uu lahaa nin Irish ah oo loda xadi jirey.Marka magacyadu waxay ku bixi karaan arimo siyaasadeed iwm.

Hadaba Faqash Intii ay Somali u talinaysay oo ahaa mudo 21 sano ah ma maqashey taariikhda ama ma aragteyba arimahan hoos ku koran:

1-    Qof muwaadin ah ama

koox bulshada ka mid ah oo si aan qarsoodi ahayn u caayaya xukunkii faqashta iyagoo shir jaraid ku qabtay fagaarayasha magaalada ama adeegsanaya wargelis, mikirifono, boodhadh, daadye.

2-    Xoriyad saxaafadeed

3-    Waraaqaha iyo cajaladaha laysku diro oon marin faafreeb.

4-    Ma aragtey rug ganacsi oo aanu sudhnayn sawirkii Jaale Siyaad.

5-    Ma aragtey ama maqashey school ku yaala  wadankii somaliya laysku odhan jirey oo subaxda inta aan fasalada la gelin aan lagu furin heesihii ay ka mid ahaa yeen guul-wade Siyaad!

6-    Ma maqashay ama aragtey qof muwaadin ah oo talo wax tar dalka u leh soo jeediya oo ku nabad gala taladiisiina kaan ku muteysan waa kacaan dii doo xadhig adag ama diba lagu xukuminin.

7-    Ma maqashey Odayaal dhaqameedyo war saxaafadeed dalka gudihiisa ka soo saarey oo ku hanjabaya hadii aan xaqayaga beeshayada dulman kala siin nabadi jirimeyso.

8-    Ma maqashay dhalinyaro is abaabuleysa oo shirweyne ama mid yarba qabaneysa wakhtigaa.

Waxaa in badan ciqaabku muteysteen iyaga oo aan waxba galabsan ,Qabiilkay ka soo jeedeen,kacaandiid baad tahay, hantiwadaaga ayaa neceb tahay,inkagii ama ninkaagii baa dawlada ku mucaarida iwm.

Talo waxaa iga ah in aan nina loo xidhin fikirkiisa, saxaafaduna waa iftiimiyaha wax ayaabaha lala dhuumanayo ee dalka iyo dadkaba danta u ahayn ee inta naf hurida dalkooda iyo dadkoodaba warkooda gaadhsinaysa yaan loo xidhin wax aaney geysan ama loo cabudhinin saxafiga wadankiisa jecel ee wajibkiisa gudanaya qofkii xad gudba xeerka saxaafada ha lagu xakameeyo.Suxufiyiinta la xidh xidhayna xoriyadooda la loo soo celiyo, kuwa lagu tacadiyey ee dambi aan lahayna waa kuwo mudan in la siiyo magdhow wixii loogeystey .suxufiguna waa in uu aqoontiisa iyo qawaaninta barashadoodaba update  ku sameeyaa had iyo jeer.

Gudoomiyayaasha xisbiyada ,madaxda sare ee xisbiyadu mucaarid iyo muxaafidba way hadlayaa wax qabadkoodu muxuu yahay ma soo booqdaan suxufi la xidhay,halgamaa wakhtigu hayo oo wadankan u soo tifaaxay markuu dhinto ayaa amaantiisa, iyo ilmo ega sii sheeg ah saxaafada loo mariyaa.Dhaqanadani maaha kuwo wanaagsan waa kuwo u baahan is bedel weyn, horumarku ma aha mid ku yimaada hadal ogowna muuminka hal god labajeer lagama wada qaniino.Wakhtigu wuu soconaya cadawguna nacaska ayuu adeegsadaa.ALLEH (SWT)waa inagu ee gayaa nimcada uu ina siiyey, hadii aaynu ALLEH(SWT) ugu shugrino waa uu inoo kordhin hadiise aynuse lee nahay FAQASH BAA WELI SOMALILAND KA TALISA mooyaan Siday noqon!. Miyay anan casharo badan ka baran taariikhda aynu soo marey. ALLEH (SWT) isaga ayaa weyni awoodba iska leh, qofkastana khayr iyo shar wuxuu shaqaysto ALLEH(SWT) waa mid uu abaal marinteeda u diyaariyey. Imisa ayaa markhaati ka ahaa mid wax dulmiyey oo aan mahadin iyo mid la dulmiyey oo ALLEH(SWT) u hiiliyey.

Runtu waa iftiinka jidka toosan ku gaadhid, ALLEH(SWT) aad buu u amaaney runta kuwa ku sifooba!

Beentuse waa jidka kuu horseeda jidka mugdiga iyo hooga ALLEH(SWT) Waa caayey beenalayaasha,Cawaaqib kooduna waa hooga akhiro iyo aduunyaba.Caalada ha la ogaado wax walba way ka qaalisan tahay cadli falku. Waa muhiim in aynu dhaqankeena ka bedelno cudurada aan waxba reebin ee bulsho kuwaas oo lagu saleeyo fikirka cusub ee KU QABSO KU QADIMEYSIDE!!! Waxaa lee yahay HA KU QABSAN WAAD KU HALAAGMINE Waa degniin qofwalba waa inuu wixiisu ku filnaadaan oo ayna u muqan waxa walaalkii si aan sharciga ALLEH(SWT) waafaqsaney.

Mahadsanidin

M J Farah

Political Analyst and writer

Exit mobile version