“Qabashada Xil Qaran Oo Ummadeed Waa Masuuliyad Culus Oo u Baahan Karti,Daacadnimo ,Kalsooni Iyo Dulqaad”
Qabashada xil qaran iyo gudashada waajibaadka xilleed ,waa Arrin ay masuuliyiinta xilalka ka qabta Somaliland uu mid waliba ku yeesho sumad iyo astaan lagu xusuusto sida uu ula dhaqmo bulshadiisa , tusaale ahaan qof masuul ah ayaa lagu dhaliilay Maqaal ama qormo u qoray qof muwaadin ahi , waxay inta badan masuuliyiinta xilalka ka soo qabtay somaliland iyo kuwa hadda xilalka hayaaba ay kaga jawabaan xadhig iyo cabudhin aan loo marin dariiq sharci ah iyada oo lagu tunto xoriyadda dastuuriga ah ee qofka muwaadinka ahi uu u leeyahay in cabiro fikirkiisa iyo arragtidiisa .
Waxaan qormadan ugu talo galay,inaan xuso masuul ka duwan ,masuuliyiinta aan soo xusay ,isla markaan anan maqlin qof u u xidhay waad i dhaliishay ama shaqdayda ayad wax ka sheegtay oo ku handadday xilka iyo awood uu haystay.
Waxaan rabaa inaan xuso masuul qaran, oo xil qaran soo qabtay ,iminkana xil ka haya xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. waa Guddoomiyihii hore ee Haya’adda Shaqaalaha Dawladda Sharmaake Geelle iminka ah Safiir ku/Xigeenka Somaliand u fadhiya dalka Kenya .
Waxaan rabaa inaan halkan kusoo koobo wax yar oo kamid ah, inta aan ka xusuusto dhalilihii taxannaha ahaa ee aan aniggaygan iyo labo qorraa oo aan saxiibo dhow nahay aan ku durnay si wadda jir ah Shaqada Guddoomiyahii Haya’adda Shaqaalaha ee xiligaa Sharmaake Geelle, qormooyinkaasi oo ahaa taxane ,waxaan ku daabacnay marreegaha warbaahinta ee Burco Online ,Hadhwanaagnews,Bandhige news . GeboGebonews,Qarannews.Oodwanynenews iyo qaybo badan oo warbaahinta ah oo sii xigatay qormooyinkaasi , Qorraaladaasi waxay ahayeen kuwo aan ku dhaliilaynay shaqada Guddoomiye Sharmaake geelle annaga oo dhaliishaydu ay ahayd tuhun aan ka qabnay sida ay u shaqaynaysay Haya’adda Shaqaalaha Dawladdu ,waxaa qayb ka ahayd oo kale sida loo qoro ama loo qaato shaqaalaha cusub ee dawladda iyo xogo la xidhiidhay sida loo maamuulayo mashruucii diwaangalinta shaqaalaha iyo madaxtaabashada oo Haya’adda Shaqaalahu fulinayso ayna ku baxaysay xaddi lacageed oo badani .
Haddaba waxaan rabaa inaa xuso wanaag iyo dadnimada ku duugan ninkaas dhalinyarada ah ee sharmaake geelle iyo sida uu uga falceliyay dhaliilshaas oo aannan inta badan u haynin wax cadayn ah,, balse u badnayd tuhun iyo arragti aan ka qabnay hoggaaminta Geelle ee wakhtigaas, xilgaas masuuliyiinta dhigiisa ah ee sidaas warbaahinta looga dhaliilo cidda dhaliisha halis ayay ugu jirtay aad ayayna u fudayda in xabsi lagu geeyo, laguguna hayo intii la doono iyadda oo aannay masuuliyiinta xukuumadu u marin dariiq sharco ah lana gayn maxkamad sida ay maantaba u dhaqanto xukuumadda Madaxwayne Biixi ,waliba maanta waxay marraysaa xukumadani in lagugu xidho Eray aad ku qortay bartaada Facebook oo nin dhalinyaro ah ayaaba lagu xidhay madaxwaynuhu waa” Local” iska daa qof shacab ah oo Haya’ddaha Dawladda dhaliiilay e, waxaaba intii xukuumadani joogtay dhacday in dhaliisha xukuumada xabsiga loo dhigay Xoghayihii guud iyo Afhayeenkii guud Xisbiga Waddani, waa tusaale fudud oo ku dareensiinaya sida ee god madoow ugu dhacday xorriyada hadalku, xukuumaddii aannu xiligaa dhaliilaynay iyaduna masuul kasta oo qof muwaadin ahi dhaliilo xabsiga ayuu gayn jiray intuu rabo ayuuna ku hayn jirtay, Marxalaadda nocaas ah iyada oo lagu jiro haddana uma aanan hamrannayn wixii arragtidayda ah ee nala saxan sidaas darteedna dhaliisha aan ku hurgufaynay Gudoomiye Geelle waxay ahayd taxanne anaan ka daalayn oo aannu rabnay inaan wadno ilaa inta ay saxmayaan wixii aannu u aragno dhaliil ,qaar kamida qormooyinkaas ayaanu kusoo bandhignay baraha bulshada sida Facebook ,arragtidaas ah inaan wax ku saxno qalin waxay ahayd mid shaqsiyan anniga aan lahaa hal-abuurkeedda, saaxiibbadayna oo ah rag qiimo baddan oo leh hab-fikir iyo hal-abuur ay iyaguna markii danbe ila qaateen.
Somaalidu waxay tidhaahdaa:- lugna dirir ugu joog,lugna cabsi ugu joog.
Arrinkayguna nocaas ayuu ahaa, waan darreensanayn in qoraaladaydu ay sabab u noqon karaan inaa xabsi ku galno sida saxiibo hore iyo Saxafiyiin warbaahinneed oo qorraalo ay qorreen xabsiga sannado ah, loogu diray blse annaga arrinkayagu wuxu ahaa inaan qaadano kaalintii muwaadinimo iyo xoriyadda uu nasiiyay dastuurku, u jeedkayguna wuxuu ahaa inaan arragtidayda ku saxno qalin iyo qoraal .
Sharmaake Geelle taalabbada uu qaaday ,ma waxay ahayd inuu na dacweeyo si uu noo xidho, isaga oo aan noo marin dariiq sharci ah, sidaa ragii xilalka ka hayay xukumadda ay ku wadda jireen oo kale.?.
Maya talaabbadaas muu qaadin , wuxuu se qaatay talaabo ay yartahay cidda qaadata oo muujinaysa bisil iyo faham sare oo ku taxluqa arragtid dheeri, wuxuuna qaatay inuu naga qanciyo dhaliisha aan ka qabno Haya’ddaha Shaqaalaha dawladda isla markaasna uu nala garnaqsado oo uu naga qanciyo oo uu noo sharaxo wixii aan dhaliilsannahay, waxaan filayaa inay ahayd qorshihii kowaad, maalin uu safar ahaa ayaan kula kulanay magaaladda burco sababtuna waxay ahayd inaan usoo bandhigno dhaliishiisa aannu u hayno Haya’dda shaqaalaha ,sharmaakena nagga qanciyo wixii dhaliil ah ee annu qabno iyo wixii tuhun ee aan ka qabno xilka qaran ee uu ummada u hayo gobol ahaan,maadaama aannu nahay dhalinyaro muwaadiniin ah oo xaq u leh in ay dhaliishooda ku sheegaan qormo iyo qorraal .
Runtii kulankeenu wuxu ahaa mid aan kula garnaqsanay ,isla markaana u nagga qanciyay wax kasta oo aan ku dhaliilnay ,way addagtahay qof masuul ah, in uu dhalinyaro ka arragti duwan sidaas u qanciyo ,wuxuu ila muuqday hoggaamiye dhab ah ,aaminsana in waxa u hayaa u yahay xil qaran isla markaana u cid kasta oo ka arragti duwan uu qancin karo,annaga waxaan ahayn dhalinyaradii gobolka togdheer ,xiligaasna waxaan u hadlaynay dhamaan dhalinyarada gobolada bari annaga oo u arragna ama u tuhnay xiligaas in sida loo qoro shaqaalaha dawladda ay gobollada galbeedku ka badsadaan kuwa bariga ama aan ugu yaraan dhalinyarada somaliland dariiqa shaqo qorista u sinnayn.
Hadaaladii aan maalintaas oo ay seddex sano kasoo wareegtay aan sharmaake geelle ku idhi waxa kamid ahaa:-
Ujeedada aan kuu dhaliilaynay sharmaakoow ma ah mid aan annaga wax gaar ah ku rabno, mana jirto ujeedo aan ka ahayn muwaadinmo oo aan kugu dhaliilnay mana jirto wax shaqo ah ama aduun ah oo aan kaa rabnay shaqsi ahaan , hayeeshee inaan qalinkayaga ku saxno wiixii aan khalad u aragno ayay ahayd, mana nihin dad raba adduun, oo uu ujeedkoodu yahay hunguri iyo qabax ama shilimaad ay ku baddashaan arragtidood balse waxaanu nahay dirannayaal raba in ay saxaan wixii ay u arkaan in ka khaldanyihiin dalkooda iyo dadkooda.
Waxaan kale oo xusuustaa hadaladii uu maalintaas nagu yidhi Geelle oo macno ahaan u dhigmaayay sidan:- Wuxuu noo tilmaamay shaqada culus ee uu gucle iyo orod ugu jiro ,taas oo daal baddan iyo guure badan u maro, kadibna daal badan iyo diif badan wuxu yidhi:- waxaad arkaysaa qof aan xogogaal u ahayn waxaad qabatay balse ku dhaliilaya ama waxaad qabatay si khaldan u sheegaya.
Sharmaake wuxuu noo sharaxay naggana qanciyay wax kasta oo aan arragti-ahaan ka tabbanaynay oo la xidhiidhay hab-fikirka shaqada uu hayo ,runtii wuuna naga kaafiyay oo si walaalnimo leh ayuu nooga qanciyay wax kasta oo aannu ku dhaliilnay, anaggana waan ku qancanay waana uga mahad-naqnay sidda ixtiraamka leh ee u nooga qanciyay wixii aan dood qabnay.
Way addag tahay Somaliland dhexdeeda iyo Somaalida dhexdeeda in masuul ummadeed uu shacbkiisa cid kasta oo dhaliisha u dhagaysto oo qanciyo koox iyo bulsho labbadaba,balse Sharmaake waxaan ku tilmaami karaa halyeey qaran iyo dheeman ku dhexjira ummada uu ka dhashay.
Sharmaake Geelle waa qof bashar ah ammaan iyo dhaliil labbadaba way dhici
kartaa in dadka qaar midba arragti gaar ah ka qabo, maxaan annigu ka bartay sharmaake.?.
Waxaan ka bartay sharmaake inuu yahay nin wanaagsan oo leh dun xariir ah iyo nin ay ka buuxdo dadnimo iyo qalbi wannaag . wuxuu u muuqday nin deggan oo ay mooraalkiisa ka muuqto kalsooni buuxda iyo awood hoggaamineed, oo qof kasta oo kasoo horjeedda u ku dhagaysan karo kuna qancin karo wixii arragti ah ee ay ku kala duwanyihiin ,waa astaan uu kaga duwanyahay badi madaxda Somaliland, nin ay dadku u simanyihiin oo aannay madax iyo mijo u kala lahayn, dadkuna u yahay walaal ,qofkii ay is fahmaana la jaal ah.
Sharmaake oo aan da’ahaan aan aad u waynayn, haddana wuxuu u dhashay aftahanimo ay ku lamaantahay aqoon iyo siyaasad ,waana nin si hoddantinimo leh ugu xaragooda hadalka, runtii waxaan maqli jiray dadka reer galbeedka ah ee Hargaysa ilaa wixii ka shisheeyaa, ma aha dad aftahamo ah, oo waxaa ka Aftahamsan dadka reer barigaa ,waa sida aan ka maqli jiray burco iyo nawaaxigeeda ilaa iminkana reer barigu sidaas ayay qabaan fikir ahaan, lkn maalintaa seddex nin oo reer burco ayaanu kula kulanay Sharmaake runtii wuu naga aftahamsanaa oo wuxuu ahaa nin balaaqi ah ama cabqari ah oo leh dood iyo dad qancin mana jirin mid naga mid ah oo u dhigmaayay xaqiiqatan,dhalinyarada xilalka ka qabatay somaliland waxaan odhan karaa waa ninka ugu aftahansan, waxaan ka hadlayaa kuwa xilalka qaran qabtay. Sharmaake runtii waa nin hadalkiisa si xarago leh u mariya oo si duurxul ah kugu sheegay nuxurka hadalkiisa. Waa nin dadka qancin kara ,waana astaan hoggaamineed labo shay oo ka muuqday waxaan is leeyahay waa kuwa isaga oo dhalinyaro ah fursad u siiyay inuu qabto xil misaan wayn leh oo culus waa karti iyo aftahanimo.
- Sharmaake Geelle maalintii aannu burco ku kulanay wixii ka danbeeyay dib isumaanu arkin,waa mudo ku dhow seddex sano manna jirin wax kulan danbe ah iyo xataa arragti danbe ah oo na dhexmaray wixii ka danbeeyay maalinkaas , maalintii uu wareejinayay xilka Haya’dda Shaqaalaha dawaladda Somaliland ayaan TV-ga ka daawadday runtii wuxuu jeediyay khudbad qiiro galinaysay qof kasta oo muwaadin ah, laggana dheehan karraayay dadaalka iyo juhdiga shaqo ee u galiyay xafiiskii shaqo ee uu qaranka uga addeegaayey mudadaas, waxaa ka muuqatay kalsooni baddan iyo in ay ujeedadiisu tahay in uu ka tago wax muuqda iyo shaqaale tirisan oo tayo iyo tilmaan wanaagsan leh,sidoo kale shaqaalaha dawladda oo leh xurmo iyo xuquuq sugan.
- Inkasta oo xilka laga qaadday haddana waxaan qabaa inuu ku muddanyahay kuw badan kuraasta qaranka aad moodo in qori tuur ay ku heleen, Sharmaake waxaan qabaa hadii u qaban lahaa xil wasiir ama waxii ka sarreeya ,waxaan ku kalsoonahay inuu gaadhsiin lahaa qaranka meel wanaagsan oo u noqon lahaa dadka looga daydo hoggaaminta , u magaacbista Safiir ku/xigeenka kenya oo u ku weheliyo Baashe waxa muuqata kaalinta wanaagsan ee uu ku leeyahay shaqada halkaas ka socota , balse xilkaas loo magacaabay waxaan u arkaayay mid looga foggaynayaay darka ceelka am hoggaanka iyo xafiisyadda siyaasiga sidda xukuumadda Madaxwayne Biixi qorshahaas ugu addeegsatay haldoor baddan loona soo dhawaystay dirnayaal iyo amar qaatayaal aan lahayn dood iyo arragti midna, Sharmaake waxaan qabaa in qarankani u baahnaa uuna ahaa dhalinyarada dhiig joojinta looga dhigi lahaa waddanka.
- Sharmaake isku qabiil ma nihin anigu reer Burco ayaan ahay isaguna waa reer Borama ,magaaladda borama la yidhaahdo waligay ma anan arkin, ee uu isagu kasoo jeedo,sababta aan sidaa u leeyahay somaalidu inta badan hadii aad qof masuul ah wannaagiisa aad sheegto, waxay kuu fahmayaan inaad isku qabiiltihin, waxaan kaliya ee aan rabaa in aan sheego wannaaga iyo astaanta ninkaasi dhalinyarada ah ee qaranka u shaqeeyay in aan ka tilmaamo wixii sumad wanaag ah ee aan ka arkay ama aan ka bartay. Mana ihi qof ay ehel yihiin sharmaake geelle ,sidoo kale ma ihi shaqaale dawladdeed.
waxaa markhaati cad kugu filan sida ay maanta tahay haya’adda shaqaalaha dawladdu , ee sida sharci darrada ah dhalinyaro shaqaale ah looga caydhiyay shaqadii loogana jaray mushaharkii iyada loo haysto Facebook ayaad ku dhaliishay xukuumada ama masuul dawladda ku jira ayaa kusoo dacweeyay ,bal dib u xusuuso dadkii shaqada laga erayay ,waxa is waydiin leh waxaa jira sharciga shaqaalaha dawladda dadkaas lama marsiin mana helin cadaalad, Somaalidu waxay ku maahmaahdaa :- adhi been ma dhitiyo been se wuu didaa” maanta muqaalkii ay Haya’dda shaqaalu lahayd markii sharmaake joogay iyo maanta qof kasta wuu garanayaa farqiga u dhexeeya . maanta waxay noqotay goob lagu dulmiyo shaqaalaha dawldada oo hagardaamo iyo shaqo ka caydhin ay kala kulmaan, shalay markii Sharmaake jooganay waxay ahayd meel bulshada iyo shaqaalaha dawladduba ay ku kalsoonayeen oo lagu soo hirto.
Inta aan ka xusay sharmaake waxaa jira dad badan oo iga badiya wannaagiisa balse intii aan ka bartay ayaan idinla waddaagay, sababta aan idiinla waddaagayna waxay tahay maadaama oo aan in badan dhaliilay shaqaddiisa anniga oo aan aqoon u lahayn mudo hore ,waxaan caawa u holladay in aanan qarrin wanaagiisa ee aan u sheego sidii aan dhaliishiisaba u sheegi jiray ,gobanimo maaha qofka oo aad dhaliishiisa sheegto ,wanaagiisa aad qariso.
Waxaan qabaa inuu yahay dhalinyaradii mustaqbalka hoggaamineed leh,ee qarankeennu haysto, dalka iyo qarankana usoo shaqeeyay , Haya’adda shaqaalaha maalintii u yimi qof kasta wuu u garannayaa sida ay ahayd iyo maanta halka ay joogto,nidamka iyo quruxda ay maanta leedahayna waa ninkii ku hoggaamiyay ee seeska u dhigay, waa Guddoomiyihii ugu horreeyay ee sameeyay in shaqooyinka bananaadday ee dawladda loogu tartamo si siman iyo maddal furan ,waan ku boggaadinayaa wannaaga iyo shaqada u qarankiisa ugu addeegay iyo dariiqa cusub ee u u jeexay.
Sharmaake Geelle waxaan u aqoonsadday hoggaamiye dhab ah, oo ku dayasho mudan, Wuxuuna koobsadday dhamaan astaamaha hoggaamiye leeyahay ,Karti ,Daacadnimo, Aftahanimo,Dulqaad,Dood iyo degganaan.
Anniga waxa uu ii yahay tusaale wannaagsan oo aan ugu dayan doono wax baddan wanaagsan, sido kale dhalinyarada Somaliland wuxu u yahay astaan looga dayn doono hoggaaminta iyo maamulka.
Astaanta u dheeryahay Geelle masuuliyiinta kale waa in uu bulshadiisa dhagaysto yar iyo wayn iyo in uu xilka qaranka u arko ammaano ummadeed ,isla markaan uu qof kasta oo dhaliila uu dhagaysto, una arko dhiirigalin ,wuxuuna hibo u leeyahay in u qancin karo dhagaysana karo qof kasta oo isaga ka arragti duwan.
W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
Facebooka. Mustafe Ahmed Geedi
Burco-Somaliland .