WAJAALE NEWS

Muniir Axmed Cigaal Waa Cambaar ku Taala Saxaafada Somaliland oo Milgihii Warbaahinta Mushahar lagu siiyay.

Tan iyo intii Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Xilka la wareegtay………..

Magaca iyo milgaha Suxufigu waa Mid Huwan Masuuliyad Culus oo Aragti dheer leh isla markaana uu kaga duwan yahay Bulshada inteeda kale, Wariyu waa Tabiyaha Xaqiiqooyinka Toolmoon, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo Falanqeeyaha Wararka aduunka, Waxaanu leeyahay Akhlaaqiyaad Gaar ah oo ay saldhig utahay Run Sheeg.

Masuuliyada Wariyuhu way ka Culusta ta shaqsiyaadka Caadiga ah, waxaa laga yabaa war aad qoftay in uu waddan dhan roggo,ama horumar gaadhsiiyo sidaa awgeed ayaa Inta badan Shaqsigu ku Mutaystaa Kalsoonida Shacbiga loona xaqiiqsan karaa Wararka uu baahiyo.

Tan iyo intii Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Xilka la wareegtay waxaa Soo badanaya Shaqsiyaad Qasbaya shaqada Warbaahinta oo isku dayay inay difaacaan Shaqiyaad ka mid ah Hogaanka Dalka oo Mushahar gaar ah ku siiya Cayda iyo Aflagaadaynta Culimada, Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Xataa Shaqsiyaadka Caadiga ah ee Xukuumada Wax ka sheega, Gaar ahaana Wasiirka Madaxtooyada, Duulista iyo hawada iyo Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo Beel gaar ah ka soo wada jeeda.

Ceeb maaha inaad Wararka Wasiirada Tabiso laakiin waxa ceeb ah in aad Aflagaadayso Shaqsiyaad aan waxba galabsan oo Hogo Tusaaleyay Bulshada, maaha inaad kala fogayso Beelaha Somaliland oo qaarkood aad takoorta Sidii wargeyska Somaliland today ee Dhawaan loo sameeyay Muniir axmed Cigaal uu ugu soo caanbaxay Cayda Masuuliyiintii Ururka Xaqsoor iyo Dadka ku nool Xaafada Axmed Dhagax ee magaalada hargeysa.

Waxaan Xasuustaa Maalin maalmaha ka mid ah mar aan akhriyay warbixin uu Muniir ku qoray Shabakada ka mid ah Warbaahinta Somaliland in uu safar ku tagayo Wadanka Norway isla markaana si wayn wadankaasi looga dareemayo dhaqdhaqaaqa soo dhawayntiisa, kolay badi wariyeyaashu way arkeen beena kama sheegayo, waxay ku tusaysa heerka Aqoonta Shaqsigu taaganyahay iyo Masuuliyada laga sugayo in uu qabto.

Barigii hore qofku marka uu wax xadayo wuu dhuuman jiray balse sabankan aynu joogno bahashuba malaha waxay noqotay xirfad la is dheeryahay, haddii adeerkaa sharci darro kugu keenay wasaarad aanad ka mid ah ahayn shaqaaleheeda imtixaankii ardayda laga qaadayna aanad marin, waliba aad shaqadii ku qabsato Rug cadaayo ka mid ah rukunadii warbaahinta dalka, haddana aad Aflagaado qaawan iyo Qaraabo kiil la dhex taagantahay madasha waa midh subxaannala.

In badan ayaa laguu dulqaatay oo warbaahintu qalinka kaa lalisay balse waxaad noqotay Canbaar dib u cunaysa Sharaftii iyo milgihii suxufigu lahaa, waxaad noqotay shaqsi meel ka dhacaya Hanaanka Wariyaha lagu yaqaano, waxaad noqotay Bidhi qaate Hankiisa ugu sareeyaa noqday in uu ka ag dhawaado Madaxtooyada iyo shaqsiyaadka uu Habyta qabiil ka dugsanayo, waxaad Meel kaga dhacday Masuuliyadii lagu saaray iyo ciddii wax ku mooday ee madasha ku keentay.

Karaamada Shaqsigu ma hadho, taariikhduna way is qoraysaa, Qabiilkuna Wehel kuu noqon maayo, Maalin baa iman doonta aad Dhexda farta ka qaniinto oo ay kaa hortimaado Mixnada iyo Mu,aamarada aad maanta abuuraysaa, waa kii lahaa alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

“Ololihii lagu laaftay
kuwii uubta qodaayayee
iblayskii ku nabnaa
iyagu way garcadeen
-ana xaasha nin iin leh
wax inaan ku idhaahdo
uma quudho afkeyga

-Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda

-Ayid waad is xigtaaniyo
idinkaa isku reer iyo
aqligii lixdankii
maanta iib geli maayo”

Maxamed Maandhaye
maandhaye@hotmail.com
hargeysa Somaliland.

Exit mobile version