WAJAALE NEWS

Kulmiye Wuu Tegi Doonaye Dhalinyaro!

Laga soo bilaabo intii uu talada dalka qabtay xisbiga kulmiye ayaa waxa maalinba maalinta kasii dambaysa sida aynu ka warqabno sii siyaadaya dabar go’a dhalinyarada Somaliland amaba Tahriibka loo yaqaan, iyada oo ay dhalinyaro fara badan oo isugu jira rag iyo dumar ay kusii
qulqulayaan saxaraha Libya iyo Sudan u dhaxeeya siina marayaan wadanka aynu dariska nahay ee Ethiopia, halka qaar kalena ay u kacaan dhinaca Yemen ilaa Sucuudiga siina maraan Jabouti.

Waxa kale oo dalka kusii badanaya dhalinyarta habeenkii wadooyinka dadka ku baadha iyada oo ay ugu wacan tahay inay ka helaan lacag ay ku tahriibaan, kuwaas oo dhibaato aad ah ku haya bulshada iyo xaafadaha magaalooyinka qaarkood.

Haddaba maxaa sababay in dhalinyaradii Somaliland noqoto Tusbax furmay oo ay naftoodii ku biimeeyaan badaha iyo saxaraha una door bidaan oo ay u badheedhaan khatarta tahriibta. ? Iyada oo ay jiraan dhamaan waxyaabahaas oo dhan ayaa waxaa la odhan karaa waxaa sabab u ah in tahriibtu badato Shaqo la’aan baahsan oo soo foodsaartay dhamaanba dhalinyaradii dalka oo aan odhan karno waxaa gundhig u ah Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadan imika talada dalka haysa oo wakhtigii ay ololaha ku jirtay ugu baaqaysay dhalinyarada shaqo abuur iyo in aanay tahriibin inta xilka uu qabanayo Xisbigoodu, waxaa xusuus mudan in madaxweyne Siilaanyo uu ka jeedin jiray fagaare walba oo uu istaago waxaan dhalinyarada u samaynayaa shaqo abuur, Madaxwene shaqo abuurkii ma wuxuu isku badalay oo aad ka dhigteen Tahriib abuur, isagoo ku kasbaday cododkii uu ku soo baxay Xisbiga Kulmiye. Waxaa kale oo xusid mudan kelmedii hal-kudhega u ahayd Xisbiga Kulmiye markii uu ku jiray ololahii doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii oo ahayd “Udub way tageysaaye ha tahriibina”.

Anigu waxaan shakhsi ahaantayda leeyahay dhalinyarada Somaliland iyada oo aanay manta jirin guri aan laga tahriibini intooda soo hadhay waar Kulmiye wuu tagi doonaaye ha tahriibina.

Waxaan shaki ku jirin in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka dhaga adaygtay oo ay indhaha ka laabatay doorkii ay dhalinyaradu ku lahayd horumarka bulshada.

Waxaa celcelis ahaan maalin walba guud ahaan dalkan Somaliland ka tahriiba ugu yaraan 100 dhalinyaro ah oo isugu jirta hablo iyo inamaba, intooda badana waxay u badan yihiin ardaydii jaamcadaha iyo dugsiyada sare ee ay ahayd inay noqdaan qaar laga dhex akhristo horumarka Somaliland. waxay Somaliland noqon doontaa haddii aan loo gurman dhalinyarada sida ba’an u dabar go’aya wadan ay ka taliyaan madaxweyne iyo xulafadiisii oo xafiisyaday haystaan cid ay u adeegaan la waayo kuna dambeeyo dhul sidii carabtii berigii hore ee jaahiliyada layn jiray ama nolosha ku xabaali jiray gabdhaha in Somalilandna ay noqoto wadan laga waayo dhalinyar,

maadaama oo imikaba wadankaygii hooyo uu iiga qadarin badan yahay ninka ajaanibka ahi aad moodana inaanaan u sinayn xaga shaqada sida Ugandhiiska iyo Kenyanka iyo Africanka kaleba.

Haddii aan soo qaato khudbadii madaxweynaha ee uu 01dii January ee Sanadadii hore uu ka hor jeediyay baarlamaanka ku sheegay in ay xukuumadu shaqaalaysiin doonto 1500 oo shaqaale ah, si ay u dhimaan shaqo la’aanta sii kordhaysa, waxaan filayaa iska daa 1500 oo aad shaqaalaysiisaane boqolaal kun ayaad tahriibiseen ama ka baxay wadankoodii si ay u helaan meel dhaanta oo ay ka shaqaystaan mana jirto meel ilaa hadda 1500 lagu shaqaalaysiiyay.

Haddaba waxay is waydiintu tahay yaa u hadlaya dhalinyarada somaliland? Haddii aan odhan lahaa baarlamaankaa ka wakiilee ha u hadlo, baarlamaankii wuxuu noqday xafiis ama wasaarad ay dawladu iska leedahay, haddii aan odhan lahaa xisbiyada mucaaridku ha u hadlaana, xisbiyadii waxay noqdeen Muxaafid ay isku aragti yihiin dawlada, haddii aan odhan lahaa aqoonyahano ha u hadlaana, aqoonyahanadii waxay noqdeen qaar magac iyo maamuus doon ah oo iska indhatira xaqiiqada, waxaanan noqonay wadan wada muxaafid ah aan lahayn cid dawlada la xisaabtanta iyo cid daba gasha toona loona hogaansanayo xisbi arrintu kaligii ka go’do, xisbi u badheedhay dhalinyarada tahriibaysa oo aad moodo inaanay iyaga wax saamayn ah ku lahayn oo aan is idhi malaha iyagaaba dhalinta kharashka ka bixiya.

Ugu dambayn waxaan leeyahay xukuumada iyo xisbiga talada dalka hayaba, dhalinyarada u sameeya meelo ama baanan ay ka qaataan lacagta si ay ugu tahriibaan, malaha intaas uun baa idiin hadhaye una bixiya sanduuqa tabantaabada tahriibayaasha ee xukuumada Somaliland si aad ugu faantaan uguna dartaan miisaaniyada baarlamaankuna duuduub ugu ansixiyo.

 

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,

TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND

Exit mobile version