WAJAALE NEWS

Xukuumaddu albaabka wadahadalka ha u furto mucaaridka, mucaaridkuna mucaaridnimadda ha ku daraan muwaadinimo” Dr.Maxamed-Culimo

Khilaafka golaha wakiiladu wuu wajiyo badan yahay. Waxay u eeg tahay inuu hordhac u yahay murano siyaasadeed oo 15-ka bilood ee soo socda dalka hadhayn doona. Haddii aan laga diyaar garoobina, waxay muranadaasi wiiqi karaan qarankeena iyo midnimadeena.
Hayaddo badan oo qaranka shaqooyin muhiim ah u qabta ayuu mudo xiloodkoodu dhamaanayaa 15-kan bilood gudahood. Hayaddahaas waxaa ka mid ah gudidda doorashooyinka qaranka, golaha wakiiladda iyo golaha guurtidda. Marka wakhtigoodu dhaco hayadahaas maxaa inooga meel yaal ee aynu heshiish ku nahay?
Hawlaha kale ee iyaguna xiligaas ku soo beegmaya waxaa ka mid ah:
1. Shirweynayaasha xisbiyadda qaarkood sida KULMIYE iyo Xisbiga WADANI oo si rasmi ah u soo saari doona musharixiintooda doorasha madaxtooyadda ee soo socota.
2. Doodii xisbiyadda qaranka ee ay academi-ga nabadda iyo horumarintu qabanaysay oo la filayo inay qabsoonto wakhti dhaw.
3. Diwaan galinta codbixiyayaasha oo la qorshaynayo in la sameeyo wakhti fiican ka hor xiliga doorashadda.
4. Wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland oo iyaguna galay waji cusub oo u baahan foojignaan dheeraad ah.
5. Diyaarinta iyo qabashadda doorashadda madaxtooyadda.
6. Sool, sanaag iyo Buuhoodle oo laga yaabo in dhaq dhaqaaqyo nabadda wax yeeli karaan ka soo cusboonaadaan.

Waxay u muuqataa in haddii aan si wadajir ah hawlahaa loogu diyaar garoobin ay culays ku keeni doonaan qaranka. Waxay hakin karaan hawlaha horumarineed ee gacanta lagu hayo, waxaanay fursad siin karaan cadawga Somaliland ee raadinaya fursado goldaloolooyin ku samaysmaan.
Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa in xukuumaddu ay albaabka wada hadalka u furto mucaaridka. Xisbiyadda mucaaridka ahi waxay ka mid yihiin hantidda qaranka, taageerayaashoodana waxaa xukuumad u ah inta xilka haysa. Waxaa xusid mudan in mucaaradka looga baahan yahay inay mucaaradnimadooda ku daraan dareen wadaniyadeed iyo aragti muwaadinimo.
Ugu dambayntii, waxaan talo ku bixin lahaa in golaha guurtidda ee xalka golaha wakiiladda ku jiraa, xukuumadda iyo xisbiyadda muraacadka ahna is horfadhiisiyaan oo wixii tabasho macquul ah ee jirta ay dhameeyaan.

Ilaahay ha ina waafajiyo sidii roon.

Dr.Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo)
London,UK.
mculimo@yahoo.com

Exit mobile version