Shirkii lagu yagleelay Somaliland 1991 waxa uu ahaa fursaddii ugu waynayd ee dadka iyo dalku isku haysan lahaa ee soomarta, waxa shirkaa kasoo wada qaybgalay dhamaan inta ku abtirsata Dalkan, waxa ka mid ahaa xubnaha soo xaadiray Shirkaas inta maanta Somaliland ka maqan sida Garaadada Sool iyo Siyaasiyiintoodaba waxana ka mid ahaa Cali Khaliif Galaydh, dadkii dhibanaa iyo intii wax laga tirsanayayey waxay u wada laab xaadhnaayeen abaalna loo wada qabay nabad iyo wada jir in la wada qaato, waxa la yagleelay maamul waxana lagu dhawaaqay Somaliland, waxa soo ifbaxay xagal-daac siyaasadeed markii Madaxweynihii iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii ka yimaadeen Beesha dhexe, walow dad ay odhanayaan waxa la isku afgartay maamul ku meel gaadh ah kana unkan SNM siday u dhisnayd, waxay ahaydba inbadan oo kasoo jeeday deegaamada Sool iyo Sanaag bari umay qudhqudhsamin, sooyalku waxa markii dambe uu gaadhsiiyey Shirkii Boorama, shirkaa sidii hore oo kale ugamay soo qayb galin lakin waxa laga sameeyey horumar iyada oo si nabad ah Xilka looga wareejiyey Hogaankii SNM, Mohamed H. I. Cigaal (AHUN) isbadal qaybaad kamid ah maamulka sameeyey, waxa Sool yeesheen shirgudoonka Baarlamanka iyo Wasiiro ay ugu tun waynaayeen Arimaha Dibadda.
Xusuus Kooban: Waraysi dalka Jabouti lagula yeeshay Cigaal waxa la waydiiyey sababta wali beesha dhexe ugu badantahay, waxana uu ku sidkay in wakhtigan iyaga laga hayo dalka inta dhibka iyo qoriga sitaana iyaga yihiin dadyowga darafyaduna nala dajinayaanba, waxanna dib u dajin tahay iyo samirsiin, markale way ugu badanyihiin dagalka Somaliland lakin xul maaha ee waa xal” waa hubaal garashadaasi waxana laga dhaxlay deganaansho aan xeel dheerayn in laga gaadho beelaha darafyada, 1998 waa xili lagu dhawaaqay maamul kale oo lagu magacaabay Puntland, dhanka isirka laanta guud waa iskaga odey Reer Sool, waxa shirkaa gacan ku lahaa Garaadada Sool oo Shirkii Burcana qayb ka ahaa, waxay noqotay khatar iyo yooyotan kusoo kordha xuduudaha aynu la wadaagayno Maamulka Garoowe gadhwadeenna looga dhigay C/lahi Yusuf, waxa meesha kasoo kordhay kala riixasho lakin ku dhisan xasilooni, halkaa waxa ku lumay siyaasiyiinta Gobalka Sool oo dareenkaa uu dhalay shirka Garoowe, waxa fasahaaday dhaqankii iyo siyaasaddii hogaanka ku dhisnaa waxayna ku saleeyen siyaasadda maaliyadaysan ee la isku riix riixayey, waxay dhashay habeenkii iyo aroortii in laga cunteeyo laba barnaamij oo kala duwan hal qofna ka wada biyo cabbo, Ina Cigaal isbadal uu ku sameeyey Shirgudoonka Wakiilada waxay dhashay in Xaabsade la waayo una baxo Maamulka Garoowe, waxa kale oo cadho ku baxay Garaad joogay wakhtigii halganka waa Garaad Cabdiqani, si kastoo ay tahayba waxa hadana lagu jiray siyaasad u dhow in wax la wada leeyey yeyna gaadhsiisnaynba halkii la rabay.
Waxa iyana xusid mudan Dahir Rayale Madaxweynihii hore in siyaasiyan uu qaaday jidkii Ina Cigaal kula mucaamilonayey Dadka deegamada Sool, waxa balan fur siyaasadeed lakin ku noqday Doorashoyinkii xorta ahaa ee la galay, inbadan oo siyaasiyin ahi waxay istuseen in qof iyo codkii wax lagu jaro midkaas oo inbadan oo dadyowga Sool fogaynaysa, khaladka waxa uu noqday halkii hay’ad ee ugu sareeyey in laga fara maroojiyo lagana yeelo labada xubnood ee ugu sareeye beesha dhexe, waxa muuqday in xeedhada lasoo goobo iyada oo inbadan oo siyaasiyiin ahi ka fikirin waxay dhali karto mustaqbal ahaan, arimuhu si kastoo ay u soo jiitamaan waxa dhacday doorashadii 2010 kuna guulaystay Madaxweyne Axmed Siilanyo, waxa laga rajaynayey iyadoo loo sibir saarayo aqoonta uu u leeyahay gobalada bari in sadbursiimo dheeri ah siiyo, may dhicin waxana soo baxday shalay ayey dhaamtay, dib u jaleec tiirarka ugu waawayn dalka sida loo qotomiyey, waa fulinta uu Madaxweynuhu ugu sareeyo, Xeer dajinta labada Gole iyo Garsoorka intaba waxa gacanta ku haya hal qayb oo Somaliland ah waxa kale oo lagu tiriyaa inta ugu shilis golaha fulinta in iyana ka qatanyihiin.
Waxa intaa sii dheer in dagaal toos ah la galay midkaas oo ka dhacay meelo kala duwan, siyaasiyan waxa uu dagaalku lumiyey aaminaadii guud ahaan ka dhaxaysay Deegamada Sool iyo Somalilandta dhaxe, waxa dhashay fogaansho aan hore loo arag, hub urursi iyo cadaawad la wada qaato, arinkaa waxa uu dhibaato ku noqonaya is-haysashada Somaliland iyo in dadku cadaalad iyo dheefba xeedho ka wada darsadaan, waxa dagaaladaasi gayeysiiyen in isku yimaadan yidhaahdan aynu yagleelno waxay gaar u leenahay, hore waxa caqabad buuxda inagu ahaa Garoowe lakin qayb ka mid ahi iyana markay aragti kooban dhaxdooda samaystaan waa carqalad cusub, waana midka maanta aynu u wada jeedno, waxay gaadheen bulshada danaysa arimaha geeska, dood iyo waxay u sheegten ayaa u dhashay in Ciidamada qaranka Somaliland loogu soo jeediyo in dib looga baxo qaybo kamid ah Sool.
Dr Cali Khaliif Galaydh, waa siyaasi asxaab badan ku leh Bulshada caalamka waxana uu maalayaa mansabyadii uu kasoo qabtay Dowladihii ku meelgaadhka, waa aqoonyahay odey ah, waxa uu u guuray siyaasad xadidan oo reernimo wakhtigan la joogo, waxa uu istusiyey in reernimadii uu kasoo farcamay ku koobnaado, waa asaasaha iyo caqliyada ka dambaysa Khaatumo, waxay u dhashaba waa carqalad kale oo xal u baahan, inkastoo dad badani aaminsanyihiin inuu ku saqiiri doono arimahan uu faraha la galay hadana ma haboona in la fududaysto, midka kale ee jirta xoojinna u noqon karta waa odayaasha qaarkood jilaabteen ee dalka ku sugan kana masuugsan sida wax loo wado ama loo maamulo, iyada oon garowshiyo laga bixin lakin siyaasiyiinta xayndabka dowlada ku jiraa kuba tiraaban oo hebel inama ahayn iyo miyuu inala joogay horta.
Si kastoo ay wax u jiraan waxa Xukuumadda la gudboon siyaasad cad oo wax lagu dhagaysanyo, siyaasad xal iyo xul leh, waxana ugu mihiimsan si kastoo wax u fogaadeenba in fulin wax wada lahaansho samaysanto, in xaqiiqda bay’ada taal la yaqiinsado, xurguf iyo khalad wixii maanta xukuumad ahaan loo galay ama lagu fogeeyey dhisideeda iyo dib u qaabaynteeda, in la dhagaysto oo si heer qaran ah loo galo, inbadan gogal hoosta qodxo ka leh ayaa la dhigay una midho dhaliwayday daacad yaraanta ka muuqatay. Dhankastoo wax laga eego ama cid kastoo wax laga waydiiyo xalka Gobalka Sool waxay ku soo ururinaysaa saamiqaybsiga awooda dalka in si siman oo caddaalad ah loo qaybiyo midkaa waxa iyana sii raacaya cadaalad iyo wax qabad loo siman yahay in la fuliyo, Axmed Ismacil Samater su’al laga weydiiyey waxaad kaga cabanayso koonfur Somalilanba waa yaal ayey jawaabtiisu ahayd caanaha duqsi waa ku jiraa oo nadiifin waa u baahanyahay lakin rajo ayaan ka leeyahay, waa sida ugu dhibka yar ee uu wax u tilmaamay, lakin dhibka ugu wayn ee jira waa ogaanshaha aan xalku wadan.
Ugu dambayn Somaliland waxay si dhakhso ah ugu baahantahay xal dadka iyo dalku kuwada waari karo waxana xilkaasi saaranyahay ugu horayn Madaxweynaha, inta ka hoos shaqaysana maaha inay wax sii xumeeyan lakin waa in wanaaga iyo wada jirka ay ku kaalmeeyan Madaxweynaha haddii aan xal hore loo gaadhinna ama la fududaystana waxa iman karta maalin aan xal iyo xeelidi shaqaynayn.