Dabeecad ahaan wuxuu ilaahay u dhaliyey furfurnaan iyo dad dhexgal. Wuxuu khabiir ku yahay barashada dad badan oo meelo kala duwan ka yimid.
Wuxuu toosaa afarta habeenimo, waxaanu tagaa masaajidka si uu u soo tukada salaadu-laylka iyo salaada subax. Weligii muu tukan salad aanu jamac iyo safka hore ee masaajidka ku tukan, sadaqada, sakada , soonka iyo saligu marna kama faaruqaan carrabkiisa. Gadhka oo ah sunnihii Rasuulka (NNKH) berigii hore wuu deyn jiray, balse imika marna wuu xiiraa marna wuu gaagaabiyaa. Wuxuu joogto u xidhan jiray khamiiska, laakin wakhtigan wuu ka haajiray, oo wuxuu kala bedelaa suudhadhka, safaariga iyo dharka isku eeg ee (African Dress). Baabuur kaxaysashada aad umuu jeclayn, laakiin imika gaadhiga kama dego, weliba wuu kala bedelaa, oo kolba ka lambarkiisu ugu dambeeyey ayuu kaxaystaa, xitaa wuxuu bedelay lambarkii Tilifoonkiisa gacanta,
sidoo kale wuxuu bedelay goobihii uu fadhiisan jiray iyo saaxiibadii, oo kuwa cusub ayuu la qabsaday.
Dabeecad ahaan wuxuu ilaahay u dhaliyey furfurnaan iyo dad dhexgal. Wuxuu khabiir ku yahay barashada dad badan oo meelo kala duwan ka yimid. Dhammaan is-bedelkaasi wuxuu ku yimid markii uu xilka qabtay, laakiin weli salaadii iyo cibaadadii sideedii ayuu u wadaa, xoolaha ummaddana siduu doono ayuu u cunaa. Wuxuu xidhan yahay iyo wuxuu cunayaa waa xoolihii ummadda uu xilka u hayo. Qofka aan aqoonini wuxuu meel kasta ka yidhaa waa shakhsi salaad sax ah, oo goor kasta iyo goob welba safka hore ayuu kaga jiraa masaajidada. Laakiin ma oga inuu yahay Tuug ilaahay ka go’ay oo xaaraan cunista dhaqan ka dhigtay.
Mararka qaarkood wuxuu khudbado diini ah ka jeediyaa masaajidada magaalada, markaasuu mowduuca uu ka hadlo u soo qaataa Aayado Qur’aan ah iyo axaadiis, isaga oo qiiraysan, ayuu dadka ka oohiyaa, balse dhammaan waxa uu sheegayo isagu kuma dhaqmo, haddii ay dhab ka tahay oo ay carrabka iyo cunaha hoos ugu daadagayso wuxuu iska dayn lahaa xoolaha ummadda ee uu hadh iyo habeen liq-liqayo. Wuxuu laabta ku hayaa sheekadii, sheekhii masaajidka khudbada ka jeediyey ee sadaqada in la bixiyo ku dheeraaday, ka dib xaaskiisii oo masaajidka ku tukunaysay ayaa sadaqo u bixisay dahabkeedii. Markii guriga la isugu tegay ayey xaaskiisii ku tidhi”Sheekh dee maanta wax-bixinta ayaad ku dheeraatay, ka dib waan is-kala garan waayey, markaasaan sadaqo u bixiyey dahabkaygii.” Ka dib sheekhii ayaa aad uga cadhooday, markaasuu ugu af-celiyey” xaajiyo isku-maynu ogayn in aad bixiso dahabkaaga, laakiin waxa aynu isku ogayn in aynu dadka sadaqada ka gurno.” Isaga oo taasi qalbiga ku haya ayuu xilkan qabtay, waana kaa isu-rogay budhcad salaad sax ah. Ummadana wuxuu isaga dhigayaa in uu yahay shakhsi nadiif ah, oo ay markhaati ka tahay salaada uu joogtada u tukanayo, balse aanu ku camal falayn salaad uu tukanayo.
Waa tii hore soomaalidu ugu maahmaahday” wadaad dad u eeki ayuu kugu dilaa, abeesana dhul-u-eeki ayey kugu dishaa.” Sidaasi oo kale dad badan ayaa ku aaminay muuqaalkiisa ah salaad ilaalin iyo masaajid joogtayn, laakiin aan ogayn in uu xaaraan quute yahay. Suuradda Cankabuut aayada shan iyo afartanaad wuxuu ilaahay (SWC) ku sheegay sidan” Salaadu waxa ay kaa ilaalisaa xumaanta iyo sinada.”
Haddii ay dhab ka tahay cibaadadu wuxuu ka tegi lahaa dhammaan wixii xumaan iyo macsi ah ee ilaahay (SWC) inaga reebay. Xilkan dhawaan ayuu qabtay, balse wuxuu markiiba dhistay afar guri, waxa keyd u ah lacag gaadhaysa Malaayiin doolar, fajac xaguu ka keenay sow xoolihii ummadda maaha. Wuxuu garan doonaa marka aakhiro ay soo xaadiraan afarta malyan ee Reer Soomaalilaan ee ay yidhaahaan” ilaahayow xoolahayagii ayuu naga cunay.” Ilaahow xaqa na garansii.
F.G:Ciwaanka maqaalka waxa aan ka qaatay nin aanu saaxiibo nahay, balse wuxuu diiday in aan xuso magaciisa, si aan u siiyo xuquuqda qoraalkiisa.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland