Muqdisho(Wajaalenews); Shir Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Galabnimadii Khamiista loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdi-wali Sheekh Axmed,kaasi oo Kalsoonida lagagala laabanayo.
Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa BBC-da u sheegay in mooshinka lagu caddeeyey eedeymaha ka dhanka ah ra’iisalwasaaraha. Waxa la sheegay in xildhibaanada Mooshinka saxeexay ka badan yihiin Boqol mudane
Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Waa ra’iisalwasaarihii labaad ee laga keeno mooshin tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay Ra’iisalwasaarihii ka horreeyey Cabdiweli, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, bishii December ee sanadkii tegay ee 2013-ka